Ardaygan oo lagu magacaabo Ismaaciil Cumar Madar ayaa markii uu soo gaadhay caasimada Hargeysa waxa uu garoonka diyaaradaha dhexdiisa kaga dhawaajiyey inuu ku tartamayay magaca Somaliya oo uu ahaa arday ka socda Somaliya.
Ardaygan ayaa sheegay in lagu soo caydhiyey sababna ay u ahayd in Dubai laga soo saaro kadib markii ay Somaliya diiday inay xidhiidhka u jarto dalka Qadar oo ay go’doomiyeen wadamo Khaliijka kamid ah isla markaana ay dhex ka noqotay khilaafka Diplomaasiyadeed ee ka dhex qarxay wadamada Khaliijka.
Wiilkan dhalinyaradan ayaa sheegay in aanay ka caajisayn dadaalka ay ugu jiraan kor u qaadida magaca Somaliyeed,waxaana uu sheegay in uu markii hore ku baxay magaca Somaliya oo aanu ku baxin magaca Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in ay la safatay xulufada ay hogaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraadku,waxaana ay sheegeen inay xidhiidhka u jareen dalka Qadar,ilaa hadda lama garanayo talaabada ay xukuumadda Somaliland ka qaadi doonto ardaygan ku tartamayey magaca Somaliya ee Hargeysa kasoo dagay.
https://www.youtube.com/watch?v=bnhqPsRdsxs