Deg Deg :- Somaliland Oo Go,aan Ka Gaadhey Khilaafka Ka Dhex Qarxay Wadamada Carabta Iyo Dalka Qadar + Nooca Uu Yahay Go’aankaasi .

0
20
Hargeysa (Saxilnews):- Shirkii golaha wasiirada Somaliland ee Khamiistii waxaa ka dhacay doodxaasaasi aheyd oo salka ku haysay doorka Somaliland ee Khilaafka Diblumaasiyadeed ee wadamada Khaliijka .

 

Shirkaas oo uu shir gudoominaayey Madaxweyne Siilanyo ayaa wasiirka madaxtooyada Muddane Maxamuud Xaashi waxaa uu soo bandhigay qodob ku jiray ajandaha shirka oo ahaa in Somaliland Barbar istaagto dalalka Khaliijka gaar ahaan Imaraadka Carata oo wada shaqeyn wanaagsan la leh Somaliland , waxaana uu soo jeediyey in Somaliland ay barbar istaago dalalkaas uu hogaaminaayo Sucuudigu .

 

Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in Somaliland ay siyaasad ahaan u wanaagsan tahay in ay doorkeeda ciyaarto si ugu yaraan loo dareemo culeyska ay leedahay , waxaana dood uu wasiir Maxamuud Xashhi gun dhig uga dhigaayey xidhiidhka Somaliland iyo Imaraadka Carabta , waxaana fikirkaas ku tageeray xubno wasiir ah oo kale.

Hase yeeshee waxaa soo jeedinta wasiir Maxamuud Xaashi ka hor yimid Wasiirka Hawlaha Guud Cali Maxamed Xassan ( Cali Mareexaan ) oo la sheegay in uu ku doodey in ay wanaagsan tahay in aaney Somaliland dhex galin khilaafka dalalka Khaliijka madaamada oo aan la aqoonsaneen , waxaana doodaas wasiir Cali Mareexaan tageeray Wasiiro Kale .

Markii ay doodu badatey ayaa waxaa laysku raacay in cod la galiyo soo jeedinta wasiirka madaxtooyada oo aheyd in ay Somaliland Tageerto dalalka Khaliijka ee uu hogaaminaayo Sucuudigu isla markaana ay Somaliland ka qeyb gasho Go,doominta dalka Qadar , waxaana fikirkaas taageeray 15 Wasiir , halka ay 18 Wasiir oo u badnaa wasiir ku xigeeno ay u codeeyeen fikirka ah in aaney Somaliland dhex galin khilaafka dalalka Khaliijka , waxaana la isku raacay in sidaasi lagu baajiyo taageero Somaliland u muujin laheyd xulufada Sucuudiga iyo Imaraadku isku raaceen .

Doodda oo adkaatey iyo xaasaasiyada mawduuca lahaa darted markii codku dhamaadey waxaa laysku raacay in wararka arintan ku saabsani aaney u gudbin saxaafada iyo dadweynaha .

Saxaafada madax banaan iyo mida dawliga ah oo iyagana looga yeedhi jiray madaxtooyada si loogu sheego natiijada shirka golaha wasiirada oo markii hore la filaayey inay taageeri doonan in dalalkaas xulafada la garab istaago ayaa markii danbe loo gudbiyey cudur daar in uu baaqdey ajandihii la doonaayey in loo sheego si ay u baahiyaan .

Ka sokow go’aanka ay golaha wasiiradu codka u qaadeen waxaa la sheegaya in shirkaas laga dhex dareemay kala qeybsanan ka dhex jirta golaha wasiirada madaxwene Siilanyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here