Deg Deg Daawo:-Gobolka Togdheer Oo Hadda Lagu Soo Rogay Xaaladd Deg Deg Ah Iyo Goobihii Waxbarasho Oo Dhamaantood Fasax La Galiyey

0
18

Hargeysa(Saxilnews)Wararka hadda naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer soona gaadhaya Xafiiska warqabadka Saxilnews ayaa waxay sheegayaan in hadda gobolka Togdheer lagu soo rogay xaaladd deg deg ah.

Waxaana maayarka magaalada Burco uu kulan deg deg ah iskugu yeedhay 21-ka xildhibaan ee golaha deegaanka Burco isaga oo kala hadlay xaaladda adag ee ka taagan magaalada Burco iyo sidii ay gacmaha iskugu qabsan lahaayeen u gargaarida dadkan uu soo ritey xanuunka Shuban Biyoodka oo faraha kasii baxaya iyo sidii uu usoo gaadhsiin lahaa go’aan ay isla qaaten guddiga nabadgaliyada gobolka Togdheer.

Waxaana kulankaasi kadib ay masuuliyiinta golaha deegaanka Burco ay warbaahinta ka sheegeen in xaaladd deg deg ah la galiyey guud ahaanba gobolka Togdheer sidoo kalena la fasaxay dhamaanba goobihii waxbarasho ee kala duwanaa ee lagu baran jirey waxbarashada Diiniga ah iyo ta Maadiga ahba.

Sidoo kalena xaaladdan deg deg ah ee lagu soo rogay Togdheer iyo go’aamadan ay isla qaateen maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco ayaa waxa la sheegay in ay amreen in magaalada Burco aanay soo gali Karin cid aan caafimaadkooda lasoo baadhin oo aan lasoo hubin aanay sidaasoo kalena ka bixi Karin magaalada cid aan caafimaadkooda lasii baadhin.

Xaaladdan deg deg ah ee Burco lagu soo rogay ayaa ka danbaysay kadib markii ay adkaatay xaaladda magaalada Burco isla markaana uu xanuunka Shuban Biyoodku soo ritey dad aad u tiro badan halka ay sidoo kalena bilaabmatay dhimashada dadku,waxaana lagu jiraa oo laamaha caafimaadku gargaar deg deg ah ugu jiraan sidii ay ula tacaali lahaayeen xaaladda caafimaad ee Bulshada uu soo ritey xanuunkan Shuban Biyoodku.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here