Buuhoodle (SaxILNEWS) Iskuulka Hoose Dhexe ee XAAWO oo ku yaala magaalada Buuhoodle oo ay wax ku bartaan ardayda ka soo jeeda qoysaska agoomaha iyo danyarta islamarkaana bixiya lacag la’aan ah ayaa wuxuu qabtay munaasibad lagu soo xidhayey sanad dugsiyeedka 2016/2017.
Iskuulka oo kooban 5-fasal islamarkaana ay dhigtaan Boqolaal arday ah ayaa waxaa Aasaastay oo gacanta ku haysa Samsam Cali Caateeye oo kaashanaysa qaar kamid ah eheladeeda.
Samsam ayaa ka warbixisay Waayihii kala duwanaa ee iskuulku soo maray, waxayna siwayn ugu mahad celisay Macalimiinta ardaydaasi gacanta ku hayey, waxayna sheegtay in magacalimiintu ay yihiin Heegan, Ardayduna ay yihiin Madaalle-yaal.
Dhinaca Kale waxaa Halkaasi lagu soo bandhigay qalab cusub oo isugu Jira diyaarado iyo gaadiid soconayo oo uu sameeyay Guuleed Aadan Cabdi oo ka mid ah ardayda dhigta dugsigan.
Halkan Ka Daawo