Lix ka mid ah todobadaas hogaamiye ayaa markale xaqiijiyay taageerada ay u hayaan heshiiskii Paris, oo ah kii ugu horreeyay ee ay dalalka caalamka ku dhimayaan qiiqa carbon-ka.
Balse madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa diiday in uu markale xaqiijiyo in dalkiisa uu taageersan yahay heshiiskaasi, waxaana uu sheegay in go’aankiisa uu caddeyn doono todobaadka dambe.
Trump ayaa horay ugu hanjabay inuu Maraykanka ka saarayo heshiiska Paris.
Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa sheegtay in dood adag oo aan lagu qanci karin ay ka yeesheen arinta isbedelka cimilada.
Balse madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in uu rajaynayo in madaxda kale ay ku qanciyeen Donald Trump, in heshiiskaasi ay ku jirto danta dalka Maraykanka.
Qodobada ay madaxda G7 ku heshiiyeen ayaa waxaa ka mid ahaa isu soo dhawaashaha dhanka ganacsiga, iyo weliba walaaca ay Washington ka qabto ganacsiga aan isu dheeli tirnayn.