Daawo: “Taariikhda Laguma Hayo Nin Yidhaahda Anigaa ILAAHAY ka Wakiil Ah, Ee Kuyuu Soo Gala Biyaan Idinku Rushaynayaaye..” Sheekh Aadan-Siiro

0
25

Hargeysa (Saxilnews) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa si adag uga hadlay Wadaad Reer Boosaaso ah oo Somaliland ka furtay Cilaaj la sheegay in lagu dabiibo Dadka qaba Xanuunnada Sixirka, Isha ama Jindku galo.

Wadaadkan oo dhowr Maalmood ku shaqeeyay Xaafadda Masallaha ee Magaalada Hargeysa, ka dibna u guuray Magaalada Balligubadle, markii boqollaal Qof mar keliya ku kulmeen, ayaa Sheekh Aadan-Siiro sheegay in Qaabka uu Dadka u daweynayaa tahay Mid aan Sharciga Islaamka Waaqafsanayn, sidaa darteedna ugu baaqay in Xukuumaddu wax ka qabato, halka uu isagana u soo jeediyey inuu Xafiiskiisa ugu yimaaddo.

Sheekh Aadan-Siiro oo Arrimahan ku soo hadal-qaaday Khudbaddii Jimcaha ee Maanta, ayaa yidhi “Waxaan si kooban uga hadlayaa Nin Wadaad ah oo la yidhi wuxuu ku soo kordhay Magaalada Hargeysa, amigo jeclaa inaynu Afar aan Shan Saacadood aynu u hello inaynu ka hadalno Jinku muxuu yahay, awooddiisu’se maxay tahay, markaynu u eegno Kitaabka ILAAHAY.? Sixirku muxuu yahay, Awooddiisu’se maxay tahay, waa maxayse Awoodda uu ku leeyahay Dadka Mulsimiinta ah. Qofka Muslimka ah awooddiisu maxay tahay marka uu ku jiro Xayndaabka Kitaabka iyo Sunnaha.”

Khudbadda Sheekha Halkan Hoose ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here