XOG HOOSE WIXII KA QABSADAY WASIIR CADAANI SHIRKII SAXAAFADA IYO XUKUUMADA SOMALILAND OO CEEB IYO FADEEXAD KALA TEGEY+TALAABOOYIN LA FILAYO INAY MADAXTOOYADA SOMALILAND QAADO.

0
20

Shirkii Saaxafada Somaliland iyo xukuumada Somaliland oo 24 Bishan ka dhacay madaxtoyada Somaliland ayaa waxa Diirka iyo dubka lagaga saaray wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland cismaan saxardiid cadani taasi oo ay sharafta iyo shaadhka kaga duleeyeen weriyaal waaweyn oo shirkaasi ka hadlay.

Wasiir cadaani ayaa eedo culus oo isugu jira kuwo shaqsiyadeed iyo kuwo siyaasadeed oo ku gadaaman wasaarada uu hayo ay ku ganeen xubno ka mid ah weriyaasha kulankaasi goobjooga kahaa,kuwaasi oo soo bandhigay musuqmaasuq , maamulxumo iyo akhlaaq darro ah oo ay ku cadeeyeen wasiirka.

Xubnaha weriyaasha ee wasiirka  sida weyn u weeraray ayaa waxa ka mid ahaa Maxamed Cabdi (ilig),Cabdi Satar (Sabri),Xamse Cali Bul-bul,C/raxmaan Hello Iyo Xubno kale kuwaasi Oo Ay Si badheedh ah Gaashaanka isugu daruureen wasiir cadaani oo xanaaq iyo xanuun weyn geliyey.

Arrimaha ay weriyashan ka hadleen ayaa waxa ka mid ahaa Masuqmaasuqa wasaarada Warfaafinta ay wasiir cadaani ku cariyeen inuu soo bandhigo miisaaniyada  gobolada bari oo indhaha uu ka warwareejiyey wasiir cadaani,waxa sidoo kale ay  sheegeen arrimaha la xidhiidha Cayda iyo cunfiga uu wasiir cadaani la hortaagan yahay saxaafada markasta kuwaasi oo kala dilaya ummada reer Somaliland,waxa sidoo kale weriyashan ay sheegeen in guud ahaanba ay fashilantay wasaarada warfaafinta tan iyo intii uu Hogaanka u qabtay cadaani oo ay tarmeen ayey dhaheen qabyaalada iyo cid jeclaysiga ka dhexjira wasaaradaasi.

Arrimahan ay soo bandhigeen Suxufiyiintu ayaa Gantaal ku noqday wasiir cadaani oo isdifaacis iyo Dagaal ka bilaabay Golahaasi kuwaasi oo uu Kaga Gilgilanayey Eedaha Dusha Laga saaray.

Geesta Kale Wasiirka Madaxtooyada oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay inay talaabo Cad ka qaadidoonaan wasaarada warfaafinta iyo arrimaha ay soo bandhigeen xubnaha suxufiyiinta ahi .

Cadaani ayaa laga yaabaa in guud ahaanba laga qaado xilka wasaarada warfaafinta oo uu ku margaday meelmarinteeda iyo maamulkeedaba mana aha cabashooyinkii ugu horeeyey ee waxa uu Mudooyinkii u danbeeyey si weyn looga dayrinayey wasiir cadaani oo ceeb mooyee aan sharaf ka qaadin xilkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here