Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Michael Keating oo dhawaan khudbad ka jeediyey xarunta caalamiga ah ee Chattam House ayaa sheegay inay madaxwaynayaasha Somaliland iyo Somaliya ka go’an tahay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya labadoodaba.
“Madaxwaynayaasha Somaliya iyo Somaliland waxay si cad u sheegeen inay doonayaan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya in dib loo bilaabo”ayuu yidhi Micheal Keating isaga oo intaasina raaciyey “Laakiin dad badan ayaa aaminsan inaanay taasi suurtogal ahayn ilaa doorashooyinka Somaliland dhacaan dhamaadka Sanadkan waana arrin qof walba soo dhawaynayo”sidaas ayuu yidhi Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya.
War-murtiyeedkii laga soo saaray shirkii dawladda Somaliya loogu qabtay magaalada London ayaa isna waxa ku jiray qodob dhigayey in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya furmi doonaan marka ay doorashooyinka Somaliland qabsoomaan bisha November ee sanadkan,waxaana muuqata inay beesha caalamku lasoo baxday siyaasad ah inay isku xidho qabsoomida Doorashooyinka Somaliland iyo bilowga wajiga labaad ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.