Daawo:– Rudaw Tv Oo Warbixin Ku Falan-Qeeyay Dawladnimadda, Dimuqraadiyadda Iyo Cilaaqaadka Somaliland La Leedahay Caalamka

0
16

Hargeysa(Saxilnews)-Telefishanka Qowmiyadda Kurdiyiinta oo la yidhaahdo RUDAW TV, ayaa warbixin dheer oo ka sameeyay Somaliland. Waxaanay ka warrameen nabadgelyada Somaliland ku naaloonayso, cilaaqaadka ay caalamka la leeyihiin iyo fursadaha ay u haysato xiligan inay caalamka ka hesho aqoonsiga ay raadinaysay muddo rubuq qarni ku siman.

Warbixintan oo uu diyaariyay weriye  magaciisu yahay Ayub Nuri, oo dhawaan booqasho ku yimmid Somaliland, waxa kaloo uu si qotodheer uga sheekeeyay xasuuqii loo geystay shacbiga Somaliland ee ay fulisay Taliskii Soomaaliya. Waxa kale oo warbixintu ka sheekaysay  ballaadhinta dekedda Berbera iyo saldhigga Millatari ee Imaaraaraadka carabtu ka samaysanayo Berbera.

“Somaliland waxay madax-bannaanideeda ay kaga noqotay Soomaaliya ay caddaysay 18-kii May 1991-kii. Waxay Soomaaliya ka mid ahayd 31 sannadood oo toddobanaan sannadoodna lagu sameeyay  shacbigeeda xasuuq  ay  gacanteeda ugu  gaysatay  dawladdii dhexe ee Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa noo xaqiijiyay in aanu saldhiggani waxyeelaynin  dhexdhexaadnimadii iyo nabadgelyadii Somaliland haysatay, waxaannu yidhi; “Maya, waxyeelo kama dhalanayso  saldhiggann, 25 sannadood ee ugu dambeeyay Somaliland wax dhibaato ah ulama tegin Soomaaliya iyo meel kale toona, himiladayadu waa inaanu  nabadgelyo kula noolaanno dalalka Mandaqada.ciddna waxyeelo kuma aha saldhiggani xataa Soomaaliya.”

Halkan Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here