Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha Somaliand Muddane Sharmaake Geelle ayaa
waxaa uu iminka iska difaacey eedo uga yimid mid ka mid ah tar tamayaal 7 bilood ka hor u tartamey shaqo ay baahisay Haay’adda shaqaalahu .
Gudoomiyaha oo qoraal uu arintaasi kaga soo dhiga bartiisa Facebook ayaa waxaa uu yidhi
” Kadib markaan daawaday Video-kooban oo tartame 7-bilood kahor u fadhiistay imtixaan loo qaadayey tartamayaal u baratamayey kaalmo shaqo oo 5 ah uu kaga falcelinayo hanaankii uu u dhacay, waxaan jeclaystay inaan jawaab kooban ka bixiyo
1- Ugu horay waa Alla mahadii oo imtixaanka waxaa u fadhiistay ku dhawaad laba boqol oo tartame waxaana ka falceliyey 1 tartame waliba 7-bilood kadib!
2- Imtixaanka waxaa qaaday isla markaana saxay Axmed Maxamed Diiriye “Axmed Torno” oo dalka aan uga soo xulnay shaqo wanaag isla markaana waliba aan KITAABKA Alle ku dhaarinay anaguna la dhaaranay.
3- Maalintii aan natiijadana dhajinaynay sida video-ga tartamuhu soo lifaaqay mugdi kumaanu dhajin ee mahwi saxaafadu joogto ayaan ku natiijada ku dhajinay kuna baahinay.
4- Maalintii aan baahinay maalmo kadib ayaan kulanay tartamaha waxaanu ii sheegay in uu magaciisa warbaahin ka maqlay, waxaanan waydiiyey miyuu ku qornaa waraaqdii natiijada ee aan dhajinay ama uu hayaa aniga ama hay’adda masuul kamid oo ka hadlaya magacda natiijada, waxaanu iigu jawaabay MAYA., waxaanan u sheegay in aan masuul ka nahay oo kaliya wixii anaga naga soo baxa lakiin aanan warbaahin masuul ka ahayn sidoo kalena aanay sharciba ahayn in magac TV laga baahiyo ee natiijada la dhajiyo
5- Waxaan intaas ugu daray waxaan u soo saaray waraaqdii uu imtixaanka kaga shaqeeyey waxaanan ku idhi walaal is akhri oo ma jirtaa jawaab aad is leedahay waa sax oo waa lagaa qalday, waxaanu akhris kadib iigu jawaabay MAYA oo jawaab ii saxan oo halkan lagu qalday ma arko.
6- Anagu hay’adda shaqaale ahaan waxaanu qaadnay imtixaan dhan walba ka diyaarsan, macalimiin dhan walba ka xulan iyo dhaar qalbiga u buuxisa tartamayaasha, mana garan karo sabab aan anagu tartame mid kale ugu bedeli karno!
7- Dhanka kale tartame Mustafe wuxuu ahaa qofkii 5-tii tarame ee u tartmayey imtxaanka MONITORING AND EVALUATION ee isugu soo hadhay ugu darajo hooseeyey iyadoo 5-walba dhankooda loogu dhajinayey waxaanun keenay 38.50% sida ku cad waraaqdan aan maalintii dhajinay walina ku dhajisay wajahada hore ee hay’adda shaqaalaha , iyadoo qofkii doonana uu soo akhirsan karo , walaw aan dhawrayno hadii loo baahdo waxaanu soo baahin doonnaa waraaqdii imtixaankiisa
8- Wixii qadaf, buunbuunin iyo heeso qaldan ah waxaan u hayaa xil oo ka xumaan maayo waana iga cafis