Baafin Xaguu ku danbeeyey Afhayeenkii Madaxweynaha Jmahuuriyada Somaliland.

0
19

Baafin Xaguu ku danbeeyey Afhayeenkii Madaxweynaha Jmahuuriyada Somaliland.

 

Marka hore waxa aan salaamayaa dhamaan shacabka iyo saxaafada somaliland aniga oo ah Qurba-jooga Somaliland gaar ahaan dalka Ingiriiska.

 

hadii aan u soo noqdo maqaalkaygan baafinta ah waxaan tebayaa doorkii afhayeenimo oo tan iyo maalintii dhuxul la magacaabay saluug badani ka jiro hanaankiisa shaqo oo ah mid baaxad weyn leh balse sida muuqata aanu ka soo bixin shaqadasi inaga oo ogsoon doorka afhayeenimadu ku lahayd somaliland wakhtiyadii u danbeeyey ee ay xilalkan hayeen Alle ha u naxariisteen Cabdi idiris Ducaale, Cadaani mooge, Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.

 

hadaba waxa gabal u dhacay oo la waayey Axmed Saleebaan dhuxul oo aynu ogsoonahay halka uu ku danbeeyey isaga iyo masuuliyadii uu qarankan u hayey, hadii aanu nahay qurba-jooga somaliland ee debedaha ku dhaqana waxa aanu aad ula soconaa xaalada dalka gaar ahaan ta war baahineed oo ah mid laf dhabar u ah qaranka Somaliland masuuliyiinta u qaabilsan saxaafaduna ay door muhiima ka ciyari jireen, hadaba waxa aanu ka qurba-jooga ahaan waynay isaga oo maalin uun ku hadlaaya afka madaxweynaha, ama ka muuqda warbaahinta kana hadlaaya hawlaha waranka u yaala ee uu weliba isagu u xilsaaran yahay afhayeenkii madaxweynuhu waana ta keentay baafintiisa.

 

Aniga oo suaashaa u raadinaaya jawaab ayaan la xidhiidhay qaybaha kala duwan ee shacabka iyo saxaafada Somaliland kuna sugan dalkii hooyo waxanan xaqiiqsaday in afhayeenkii dhuxul uu noqday afhayeen shaqsi oo uu jeebka ku sito isaga oo kolba shaqsi xil haya u hadla ama meelahaasi ka difaaca halka lay xaqiijiyey hadana inuu raacay Wasiirkii maaliyada Samaale oo isaga madaxweynuhu xilka ka qaday iyada tan iyo maalintaasi aanu ka soo xaadirin xafiiskii uu ku lahaa madaxtooyada balse uu u dhexeeyo Adis-ababa iyo hargeysa oo uu marba meel yidhaahdo waxa aan raadinayaa vise dal ku gal loona badinaayo inuu rabo inuu dalka ka tahriibo madaama uu ku fashilmay xilkii uu qaranka u yahay kana door biday shaqsi jacayl, kuna ceeboobay masuuliyadii qiimaha badnayd ee uu dalkan u hayey.

 

waxa iyana ii cadaatay markii aan u kuur galay xidhiidhka warbaahinta iyo isaga ka dhexeeyana waxa aan ogaaday in haba yaraatee aanu afhayeenku waxa wada shaqayna la lahayn waaxyaha kala duwan ee warbaahineed, taasina ay sababtay nacayb iyo ixtiraam la’aan la soo diristay oo uu isagu galabsaday.

 

isku soo wada duubo waxa hubaala inuu dhuxul meel kaga dhacay xilkii afhayeenimo madaxweynihii magacaabayna uu u horseeday xidhiidh xun oo dhex mara isaga iyo saxaafada, shacabkiina waxa uu tusay xil kasnimadiisa iyo daciifnimo masuuliyadaro.

 

WA-BILAAHI TAWFIIQ

 

By Sekeriye Maxamed Cali

Uk-Cardiff

mohadsekeria@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here