Hargeysa (Saxilnews) Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hashay maxbuus ku geeriyooday jeelka weyn.
Wasiirul dawlaha wasaarada caddaalada iyo garsoorka Somaliland Khadar Axmed Diiriye ayaa sheegay in ehelada marxuumka dhintay ay ku qanceen geeridaasi ku timid isaga oo xidhan oo maxbuusa.
Waxaa kale oo uu sheegay Axmed Diiriye in uu marxuunku u geeriyooday xanuun kaga soo booday dhanka wadnaha kaasi oo sababay dhimashadiisa.
Wasiirul dawlaha wasaarada caddaalada iyo garsoorka Somaliland Khadar Axmed Diiriye isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuun Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xirsi, isaga oo u dhintay si kadisa islamarkaana wadnaha lagaga soo booday isaga oo ay joogeen eheladiisa qaarka mid ahi markii uu marxuunku geeriyooday,markii ay arrintani dhacdayna waxaa markiiba laga hawl galay sidii loo waafin lahaa arrimaha sharciga waxaana laga wada hawl galey sidii eheladiisu ugu qanci laheyd geeridiisa markaa geerida marxuunkaasi eheladiisu waa ay ku qanacday”
Halkan Ka Daawo
https://www.youtube.com/watch?v=lUdKE_sDl5A