Akhriso :- Tirada Ardeyda U Fadhiisatey Imtaxaanka Shaahidiga Ah Ee Dalka Somaliya

0
19

 

Moqdisho (Saxilnews):- Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ayaa sheegtay in23-kun oo Arday ay maanta u fadhiisanayaan Imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ee ku yaala koofurta iyo bartamaha dalka Somaliya

 

Waxaana Imtixaanka dugsiga Sare ayaa ka bilaanaya deegaanada maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Benaadir

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo maamulada kale ee dalka ayaa lagu wadaa inay booqdaan goobaha lagu qaadayo Imtixaanka.

Ammaanka goobaha lagu qaadayo imtixaanka mideysan ee shahaadiga ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay ciidamka booliiska Soomaaliya.

Sanadkii 3 aad ee dowladda Soomaaliya ay qaadeyso Imtixaanka mideysan ee dugsiga sare, sanadkii 2015 ayay aheyd markii u horeysay ee dowladda qaado Imtixaan mideysan muddo 25-sanno kaddib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here