Madaxweynaha Sudan Oo Safar Uu U Bixi Lahaa U Joojiyey Madaxweyne Trump Dartii + Sababta

0
15

 

Sudan (Saxilnews):- Dowladda Sudan ayaa sheegtay in madaxweyne Omar al-Bashir uu doortayinuusan ka qeyb galin shir madaxeed ka dhacaya magaalada Riyadh, kaasi oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka qeyb galayo.

 

Bashir ayaa la sheegay inuusan dooneyn inuu waxyeeleeyo xidhiidhka Mareykanka iyo Sudan.

Wasiirka warfaafinta Ahmed Bilal ayaa sheegay in Khartoum ay garowsan tahay in dacwadaha ay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada kusoo oogtay Bashir, ay adeekeenayaan inuu la kulmo Trump.

Image may contain: 1 person

Bilal ayaa sheegay in la kulanka Bashir ay dhibaato u keeni karto Trump oo la filayo inuu go’aan ka gaaro in gebi ahaan la qaado cunaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka uu saaray Sudan sanadii 1997-kii.

Bashir ayaa waxaa baadi goobaya maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee magaalada Hague ee ICC ayada oo lagu tuhmayo xasuuq iyo dambiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Darfur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here