Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Oo Noqday Masuulkii Ugu waxqabadka Iyo Dadaalka Badnaa Maamulkii Soo Maray Gobolka Saaxil Tan Iyo Intii Ay Dawlada Kulmiye Talada Haysay

0
17

Berbera (Saxilnews.com)-Gudoomiayah Gobolka sail Jaamac Yusuf Axmed ayaa noqday masuulka kaliya ee ugu daacadsanaa maamulkii ukala danbeeyey gobolka saaxil tan iyo wakhtigii la cimaamaday madaxwayne Siilanyo waxaanu gudoomiyahani oo ah nin dhalinyaro ah ku talaabsday waxqabad la taaban karro sida wax ka qabashada aminga xalinta isku wadka bulshada qaybaheeda kala duwan ilaalinta iyo ku shaqaynta qawaaninta sharci ee heer gobol ilaalinta iyo ka hortagista beeraha sharci darada iyo ilaalinta guud ee deeganka gobolka saaxil gudoomiayah gobolka saaxil jaamac yuusuf ahmed waxaa socdaal kusoo maray deegano aad utiro badan oo ku yaala gobolka saaxil waxaa kaalin wayn ka qaatay dhiirigelinta dhinaca waxbarashada degmooyinka sida degmada Goda wayn

Oo kaalin wayn ka qaatay taabo galka iyo dhamaystirka Dugsiga sare sidoo kale waxaa gudoomiayah gobolka saaxil oo tageera qaar kamid ah dhalinyarada gobolka saaxil oo uu ka tageero dhinaca waxabarashada jaamacadaha waxaa uu gudoomiayah u mudadii yarayd uu joogay wax ka qabtay dhinaca caafimaadka gobolka saaxil

Waxaa keen ay maamul cusub oo si habsimi ah ugu adeegaya bulshada wuxuu dib uahayn iyo casriyeyn ku sameeyey habka adeeg ee cuspitaalkaasi waxaanu ka farxiyey dadka unugul xaalada caafimaad ee gobolka waxaa uu kaalin mugle ka qaatay tageerida iyo daryeelada qoysaska jilicsan ee ku dhaqan gobolka saaxil

Waxaa kale oo uu gudoomiyaha gobolka saaxil loo yaqaana gudoomiyaha kaliya ee wakhtiga shaqad xafiiskiisa kala wada isla markana ka shaqaysiiyey xafiiska maaulka gobolka waxaa gudoomiyaha gobolka saaxil maalinta Isniinta todobaad walba kulan la qaata isku duwayaasha gobolka saaxil oo uu halkaasi ka waraystaa sida ay hawluhu usocdaan waxaa gudoomiyuhu ku guulaystay mudadii uu xilka hayey dhamaystirka khilaaf xoogan oo ka jiray dhinaca deeganad miiga (Reer Guuraga ) kuwaasi oo intooda badani isku khilaafi jiray dhinaca deeganka waxaa noqday gudoomiayaha kaliya ee xal waara ka keenay isla markan dhamaystiray dhinaca khilaafka beeraha

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ayaa sidoo kale wax la taaban karro ka qabtay dhinaca amniga guud ee gobolka saaxil isagoo sameeyey goobo aminagalagu sugo ama |(Control ) dhinaca xeebaha bariga iyo galbeedka gobolka saaxil kuwaasi oo ay joogaan askar heegan culus ka gasha dhinaca sugida iyo ilaalinta amniga guud ee xeebaha gobolka saaxil

Waxaa kale oo xusid mudan inuu gudoomiyaha gobolka saaxil uu isku daba rid iyo abaabulo dhinaca saldhigayada iyo ciidmada degmada berbera sida saldhigyada gaadiidka qalabka iyo ciidmada kala duwan ee gobolka waxaanu noqday masuul qunyar socod ah oo kaalintiisi kasoo baxay waxayna bulshadu ku xamtaa inuu yahay gudoomiye degan oo bulshadiisa la tashada iyadoo ay sidoo kalena boogadin iyo tageero ka hela maamulka degmada Berbera oo ay sidoo kale wada shaqeeyaan Gudoomiyaha gobolka

Cuqaasha iyo bulshada berbera ayaa noqotay miday mahadiyaan sida uu wax uqabanayo ama bulshada ugu dhago nuqul yahay ilaa hada lama hayo talaabo uu gudoomiyaha gobolka saaxil si khaldan u qaaday

Alla mahad le h

 

Lasoco qaybaha danbe

WWW.SAXILNEWS.COM

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here