Shirkada Somcable Waa Shirkad Hab Beelo Iyo Qaraabo Kiil Ku Shaqaysa !! Qaar Kamid Dhalinyarada Berbera Ayaa Sida Fiinta Uga Qayliyey Shirakada SO

0
17

Berbera (Saxilnews.com)-Shirkada Somcable Waa Shirkad Hab Beelo Iyo Qaraabo Kiil Ku Shaqaysa !! Qaar Kamid Dhalinyarada Berbera Ayaa Sida Fiinta Uga Qayliyey Shirakada SO/

Shirkada Somcable Waa Shirkad Hab Beelo Iyo Qaraabo Kiil Ku Shaqaysa !!

Maxamed aadan Nuur oo kamid ah shaqaalihii imtixaanka ufadhiistay ayaa si xoogle uga qayliyey cadaalada darro ay kala kulmeen maamulka shirkada Somcale ee gobolka saaxil waxayna sheegeen in la is dabo marin iyo qaraabo kiil lagu sameeyey imitixaakii laga qaaday dhalinyarada Berbera oo qay ka ahaa siday sheegeen ku dhawaad 100 shaqaale ah oo laga soo qortay caasimada hargaysa ,Shaqaaluhu maray manta shir jaraadi ku qabteen magaalada Berbera waxay sheegeen inuu musuq maasuq is dabo marin uu kula kacay imitixaakoodii maamulka shirkada Somcable kadib markii uu goobta kusoo ururiyey imitixaanku ka dhacayey dad ay hayb dhow yihiin Maamulaha shirkada Somcale Ee Gobolka saaxil Yaasiin Xuseen Jamac taasina ay keentay inuu booskoodii shaqo ku xod xodo dadkani uu dabada ka riixayo waxayna fariin udireen dhalinyarada naawilayey inay ka hawlgalaan shirkada somcable Maamulka sare ee shirkadaasi inuu soo farogeliyo cadaalada darada iyo qaraabo kiil iyo samcad dilka uu ku kacaayo maamulka u qaabilsan Berbera

iyagoo sidoo kalena sheegay inay cabashadood usoo gudbin doonan gudoomiyaha gobolka saaxil jaamac yuusuf axmed oo ah masuulka ugu sareeya gobolka saaxil

Shaqo doonkaasi waxay sheegeen inay warar hordhac ah ka iminayaan maamulka shirkada somcable ee gobolka saaxil ay sheegaan inay qateen tiro kooban oo kamid ahaa dad lagu tilaamay guulaystay imitixaankaasi balse ay sheegeen inay ahaayeen dad laysla ogaa oo horeba loogu qancinayey dhalinyarada shaqo doonka ah ee shirkada usoo gudbiyey taasina waxay meel kaga dhac ku noqotay xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta Somaliland eek u hungoobay shirkadaasi somcable

Maxamed Saxardiid oo kamid ahaa dadkii ku tartamay imitixaankaasi ayaa dhalinyarada berbera usheegay inaanay shirkada Somcable wax shaqo ah uhaynin balse ay tahay shirkada ku shaqaysa hab qaraabo kiil ah iyo dad jeclaysi ah oo shirkadu ku dhisan tahay wuxuuna tusaale usoo qaatay shaqaalaha shirkada uga hawlgala caasimada Somaliland ee hargaysa kuwasi oo ay dhamaan qaraabo dhow yihiin maamulaha guud ee shirkada SO Maxamed aw Siciid shirkadani somcale ayaa noqonaysa shirkadii ugu horaysay eek u dhaqanta habka kala qoqobka iyo kala jeclaysiga Somaliland taasina waxay meel kaga dhac ku noqonaysa dadka bilaa camalka ah ee ka dhursugaya shirkadani muwaadinkani leeyahay

Dhalinayaradani ayaa gabagabadii balan qaaday inay samayn doonaan mudahaarada ka dhan ah shirkada saaxada ku cusub ee uu matalo mudane Aw Siciid iyadoo sidoo kalena sheegay inay talaabo qaadi doonan kasoo horjeeda shaqaalaha iyo xafiiska shirkada somcable

WWW.SAXILNEWS.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here