Waxaana uu Cali Gurey ayaa sheegay in guddigan hadii loo dhiibo qadar lacaga oo aad u badan oo dhan 10 Milyan oo Dollar aanay mahadinayn oo aan lagu fulinayn waxii loogu talo galay,sidoo kalena waxa uu sheegay in xubnahan loo magacaabay kasoo kabashada Abaarta aanay ahayn kuwo la aamino karo.
Sidan waxa uu Cali Gurey ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga waxaana uu u dhignaa sida tan.
“Barnaamijka ka soo kabashada Abaarta ma laga yaabaa inu yahay dhako kale iyo dabagoosigii ugu dambeeyay? Ku lahaa tii horeba si wanaagsan baa loo maamulay Wasiirka Madaxtooyadu isaga xagiisa markaa saw maaha sidii wanaagsanayd ee tii horeba loo maamulay ayaa tanna loo maamuli doonaaye ha ka biqina? Labada goorba u daran. Hadii farta laga saaro 10 milyan oo $ Ilaahay baanay wax ka qarsoomi karaa jirin oo mahadin maayaan., hadii intii hore wax lagu qaatay oo hidh la yidhaana u daran oo wixii la qorahaystay waa ka kac. Qofka daacadda ah ee isagu aamiina ee ku bixiya hor ilaahay isaga way ka geysan tahay sun iyo boogna waxay ku noqon kuwa hunguriyadooda aynu naqaano ee waxay u hunguroodaan aan qof wax isku falayaa u hunguroonin. Hadii la aamini waayo miyaa horta gari Allay taqaane laga gardaran yahay? Miyaa lagu yaqaan oo ma looga bartay amaano Ilaaha Wayne ee waaxidka ah baan idinku dhaariyaye waa la aaminay oo amaanay hayeene? Waxay wax walba kaga dareen indho adayga mudac hadii isha laga geliyo ma libiqsanayaan”sidaas ayuu u dhignaa qoraalka Cali Gurey.