Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Barri Ku Dhawaaqaysa Go’aamada Kasoo Baxay Dacwad Loo Haysto Laba  Sarkaal Oo Xisbiga WADDANI Ka Tirsan

0
16
Hargeysa(Saxilnews) Wararka aan helayno ee ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa waxay sheegayaan in maalinka Barri ah oo Arbaco ah bishuna ay tahay 17 la filayo in maxkamadda gobolka Hargeysa ay ku dhawaaqdo go’aamada kasoo baxay dacwad loo haystay laba Sarkaal oo xisbiga WADDANI ka tirsan oo muddo ku xidhnaa magaalada Hargeysa isla markaan dhagaysiga kiiskoodu uu ka socday maxkamadda gobolka Hargeysa.

Labadan sarkaal ee natiijada kasoo baxday kiiskooda barri lagu dhawaaqi doono ayaa waxay kala yihiin gudoomiyihii garabka dhalinyarada WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Xoghayihii Ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis kuwaas oo muddo Laba Bilood ku dhaw ku xidhan magaalada Hargeysa.

Fadhigan barri ee maxkamadda ayaa ah mid furan sida naloo sheegay waxaana kaaso xaadiri doona masuuliyiinta xisbiga WADDANI,hay;adda madaxa banaan ee  u dooda xuquuqda aadamaha, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan,waxaana la filayaa in maxkamaddu ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo natiijada iyo go;aamada ay kasoo saartay dacwada ka socotay maxkamadda ee loo haysto labadan sarkaal.

Lama garanayo waxa ay natiijadu noqon dooonto,balse bulshada Somaliland ayaa u wada dhag taagaysa natiijada kasoo baxda dacwadaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here