Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey Oo Ka Hadley Saldhiga Military Ee Berbera Laga Siiyey Imaraadka Carabta , Xukuumada Somaliland na Baaq U Soo Diray

0
13

Hargeysa (Saxilnews):- Xoghayaha guud ee Qaramada Midbooey Antonio Guterres ayaa waxaa uusheegay in uu aad uga walaacsan yahay dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Somaliland ee madaxweynaha iyo Baarlamaanka , waxaana uu sheegay in dib u dhacyadaas soo noq noqday si tartiib- tartiib ah u bur burinayaan sumacadii iyo aaminaadii Somaliland ee dimuqraadiyada

 

Antonio Guterres ayaa waxaa uu sidan ku sheegay war bixin ku saabsan Somaliland iyo Somaliya oo 9 May u gudbiyey golaha Ammanka ee Qaramada Midboobey

Image result for Antonio Guterres

Xoghayaha guud ayaa waxaa uu Somaliland ugu baaqay in ay dejiso Jadwal cad oo wada tashi ku yimid kaas oo ku saabsan qabsoomida doorashada .

Sidoo kale xoghayaha guud ee qaramada Midoobey ayaa waxaa uu Somaliland iyo Somaliya ugu baaqay in ay bilaaban wada hadaladii hore loo bilaabey

” Waxaa aan ugu baaqayaa Somaliland iyo Somaliya in ay dib u bilaabaan wada hadaladii oo ay xal ka gaadhaan arimaha taagan iyo in ay xidhiidh is faham uu dhex maro ” ayuu yidhi

Dhinca kale xoghayaha guud ee qaramada Midoobey ayaa waxaa uu sheegay in magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ay ka dhaceen mudaharaadyo lagaga soo hor jeedo saldhig Military oo xukuumada Somaliland dawlada Imaraadka Berbera ka siisay intii u dhaxeysa 13-15 February , waxaana tirada dadka loo xidhay arintan uu ku sheegay in ay yahiin 13 ruux

Xoghayaha ayaa sidoo kale ka hadley xubin ka tirsan Haay’adda xaquul insanka  madaxa banaan oo la xidhay ka dib markii uu shacabka ka uruuriyey saxeexyo ku saabsan ciidamada Booliska

Source :- Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here