Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Somaliland Oo Lacag Sodon Milyan Ah Wareejiyey Iyo Cida Ay Ku Wareejiyeen + Sawiro 

0
17

Hargeysa (Saxilnews):- Ciidanka ilaalada madaxtooyada Somaliland ayaa deeqlacageed ku wareejiyey guddida taakulaynta abaaraha ee heer qaran. Ciidanka ayaa lacagta ay iska uruuriyeen ka jaray mushaharkooda, waxaanay lacagtaas lagu wareejiyey guddida ay dhamayd sodon milyan oo lacagta Somaliland ah (30,000,000 SL Shilling)

 

Taliyaha ilaalada madaxtooyada gaashaanle sare Cabdirisaaq Siciid Bulaale oo ugu horayn ka hadlay madasha ayaa yidhi “Xafladani waxay ku saabsan tahay inaanu wareejinayno lacag abaaraha ah, maadama oo umadda reer Somaliland bari iyo galbeedba abaar aad u saamaysay ay jirto; waxa aanu ku tashanay ciidankayga ilaalada madaxtooyada si aanu uga goyno mushaharkooda qadar lacageed oo dhan sodon milyan (30,000,000) waxa aanu ka goynay shaqsi kasta oo ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada waxa aanu ku wareejinaynaa guddida abaaraha si ay u gaadhsiiyaan dadkeena ay abaaruhu samaayeen”

Image may contain: 3 people

Wasiiru dawlaha madaxtooyada mudane, Maxamed Muuse Abees oo isna madasha ka hadlay ayaa u mahad naqay ciidanka ilaalada madaxtooyada, waxaanu yidhi

“Mushaharkoodii yara ayey iska soo jareen, waxa aanu leenahay guddida abaaraha ciidanka intaas ayaanu ka soo uruurinay intiina inaad nagala wareega ayaanu leenahay”

Image may contain: 3 people, people sitting and beard

Wasiirka diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo lacagtaasi u gudoomay guddida abaaraha ayaa isna aad ugu mahad naqay ciidanka madaxtooyada, gaar ahaana saraakiisha sare ee ciidanka

Image may contain: indoor

Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: 2 people

Image may contain: indoor

Image may contain: 1 person, closeup

Image may contain: 2 people

Image may contain: 3 people

Image may contain: 2 people, beard

Image may contain: 5 people, people standing

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here