Sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa arintaasi ka sheegay xaflad ka dhacday London oo ay qaban qaabiyeen Jaaliyadda Puntland, isagoo ka dhawaajiyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ka dalbaday in la furo Baarlamaanka, si xubno lagu kordhiyo.
Dhinca kale Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Baarlamaanka Puntland uu 19-sano uu ahaa sidii lagu aas aasay oo aheyd 66 Xildhibaan, isagoo balan qaaday Xildhibaanada ka maqan xuquuqdooda u raadin doono.
Baarlamaanka Puntland ayaa ah kan ugu yar ee Baarlamaanka dowlad goboleedyada dalka ka jira, iyadoo Baarlamaanka ugu badan uu yahay kan Koofur Galbeed, waxaa ku xigay Baarlamaanka Hirshabeelle, halka Baarlamaanka Galmudug uu yahay midka 3aad.
Gabo gabadii Hadii la kordhiyo tirada xubnaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa waxay in baarlamaanka maamulkaasi lagu daro 7 xildhibaan isla markaana tirada golahaasi uu noqon doono 73 Xildhibaan