Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Madaxweyne Siilanyo Oo Sheegay In Haldoorkii Beeshiisu Xisbiga Waddani Ku Jiraan + Wasiirka Uu Yahay

0
17

 

Hargeysa (Saxilnews):- Mid ka mid ah golaha wasiirada xukuumada madaxweyne Siilanyoayaa waxaa uu warbaahinta ka sheegay in haldoorkii iyo dadkii sharafta lahaa ee beesha uu ka soo jeedo ay ku jiraan xisbiga Waddani .

Image may contain: 1 person, eyeglasses

Masuulkan oo ah wasiir ku xigeenka wasaarada hawlaha guud iyo guryeenta Somaliland Muddane Liiban Yuusuf Cismaan ayaa waxaa uu si aan gabasho laheyn u sheegay in dadkii sharafta iyo qiimaha lahaa ee beeshiisa ahi ay ku jiraan xisbiga Waddani

 

Wasiir ku xigeenkan oo xukuumada ka difaacaayey eedo ugu yimid siyaasi Xussen Axmed Ceydiid ayaa isaga oo magaaya Xussen Axmed Ceydiid waxaa uu sheegay in Xussen ku jiritaankiisa xisbiga Waddani ceeb ku tahay dadka sharafta leh ee beeshiisa ah ee xisbigaasi ku jira

” Xussen Axmed Ceydiid in uu xisbiga Waddani ku jiro waxaa ay ceeb ku tahay dadka sharafta leh ee ku jira xisbiga Waddani ee anu isku deeganka ama beesha nahay ” ayuu yidhi wasiir ku xigeenku

Wasiir ku xigeenkan ayaa waxaa uu ka soo jeeda beesha degta Gobalka Hawd iyo xaafada Axmed Dhagax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here