Hargeysa(Saxilnews)Hadal heynta ugu badan ee maanta waa kulanka Madrid Derby ee caawa ka dhacaya garoonka Vicent Calderon – waana lugta labaad ee semi final-ka Champions League iyadoo Los Blancos ay tahay kooxda ugu cad-cad iney gaarto Cardiff madama ay lugtii hore 3-0 kusoo adkaadeen.
Xili ciyaaareedkaan goolal badan ayaa laga dhaliyay Real Madrid taasna waxey inyar walwal galisay Jamaahiirtooda kuwaas oo ka cabsi qaba in caawa laga dhaliyo goolal, balse xogta ku saabsan 7-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaareen semi final-ka tarankaan ayaa qalbiga u adkeyneysa.
Real Madrid afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay waxey kasoo muuqatay 7-kulan oo Semi final ah waana marka lagu daro lugtii hore ee kulanka caawa, kaliya 3-gool oo ay ka dhalisay Juventus markii laga reebay final-kii Berlin kaliya ayaana shabaqoda la taabsiiyay.
2015/2016 – Manchester City ayey (0-0) kula gashay Etihad Stadium, balse kulankii Santiago (1-0) ayey ku qaarijiyeen, sidoo kale Bayern Munich ayey ku qaarijiyeen (1-0) kulan ka dhacay Santiago balse markii Allianz Arena la isugu tagay (0-4) ayaa lagu xaaqay Bavaria 2013/2014.
2014/2015 – ayey isaga hareen tartanka Juventus ayaana sadex gool ka dhalisay kulankii Turin wuxuu kusoo dhamaaday (2-1) oo lagu suldaaray, balse kulankii Santiago iyagoo guusha isi siiyay ayaa Alvaro Morata uu barbareeyay (1-1).