Xildhibaan Ka Soo Jeeda Beesha Gudoomiye Ciro Oo Ku Dhawaaqey In Uu Musharax Yahay Iyo Halka Uu U Sharaxan Yahay .

0
18

Hargeysa (Saxilnews):- Xildhibaan Saleeban Cawad Cali Bukhaari ayaa waxaa uu u sheegayin uu u sharaxan yahay mid ka mid ah kuraasta shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland marka uu Cabdiraxmaan Ciro iska casilo xilka gudoomiyaha golaha wakiilada

Image may contain: one or more people and sunglasses

Xildhibaankan ayaa waxaa uu shaaciyey in kursiga uu u sharaxan yahay uu yahay gudomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada

 

“Waxaan halkan ka cadeynayaa aniga oo ah xildhibaan Bukhaari in aan ahay musharax u taaganahay  xilka gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada marka uu Gudoomiye Ciro isla casilo kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada , waxaana aan rumeysanahay in aan taageero u heli doono rabitaankeyga ” ayuu yidhi xildhibaan Bukhaari .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here