Daawo:-Cabdiraxmaan Ciro Oo Ka War Bixiyey Kulan Oo Maanta La Yeeshay Madaxweyne Siilanyo

0
25

 

Hargeysa (Ilyews:- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada isla markaana ah musharaxa madaxweyne eexisbiga Waddani waxaa uu ka war bixiyey kulan uu maanta qasriga madaxtooyada kula yeeshay madaxweyne Siilanyo

Muddane Ciro waxaa uu sheegay in kulan uu madaxweyne Siilayo uu la yeeshay uu ahaa go,aan iyo talo xisbi isla markaana ay ka wada hadleen laba qodob oo mid yahay arimaha doorashooyinka , midka kalana uu ahaa masuulyiin xisbigaasi ka xidhan iyo cadaadis uu sheegay in xisbigu uu ka tirsanaayo dhinaca xukuumada

 

” Xisbiga Waddani wuu ka shiray in la arko madaxweynaha markaas go,aan xisbi buu ahaa in aan la kulmo madaxweynaha , waxaana madaxweynaha la kulmay maanta aniga iyo xildhibaan Cabdiqaadir Jirde anaga oo wakiil ka ah xisbiga Waddani , waxaana aanu madaxweynaha u gudbiney fariintii aanu ka qaadney xisbiga .

Kulankaas waxaa ugu mihiimsanaa laba qodob , mid waxuu ahaa arimaha dimuqraadiyada , waxaana aanu madaxweynaha ka wada hadalney in arimaha doorashooyinka si dhaw looga wada tashado , in lagu tartamo garoon loo siman yahay , sidoo kale waxaanu madaxweynaha u gudbinay waxii war bixin ah ee ku saabsanaa safarkaygii ee ku saabsana xukuumada .

Dhinaca kale Musharax Cabdiraxmaan Ciro waxaa uu ka Hadley cabashooyin iyo culeys-yo uu sheegay in xukuumadu ku hayso isaga o si gaar ah uga Hadley masuulyiin xisbiga Waddani ka xidhan

“Qodobka labaad ee aanu madaxweyne u gudbinay waxay ahaayeen cabashooyin is barkadey oo xisbigu ka tabaanaayey habka loola dhaqmey masuulyiin xisbiga ka xidhan iyo sidii arimahaas looga wada hadali lahaa , waxana aanu madaxweynaha u soo bandhignay in xisbiga Mudnaanta ay leeyihiin la siiyo iyo in xisbiga Mucaaridka ah aanay danbi noqonin in ay xukuumada dhaliilaan , waxaana aan is leeyahay kulankaasi midho dhal ayuu ahaa anaga oo u mahad naqeyna madaxweynaha fursadahaas aanu kula kulaney ” ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here