Daawo:-Beesha Caalamka Oo Ka Hadashey Dhalinyaro Xilal Ka Hayey Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Somaliland Xabsiga Dhigtay

0
21

Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha akadamiga Nabada iyo Horumarita Somaliland Maxamed FaaraxXirsi ayaa waxaa uu sheegay in wadamada Beesha caalamku ay walaac xoogan ka muujisay isla markaana ay ka xumaatey dhalinyaro xisbiga Waddani xilal ka hayey oo ay xukuumadu xabsiga dhigtay

” Beesha Caalamka ee nala shaqeysa walaac weyn bay ka muujisay dhalinyarada xisbiga Waddani xilalka ka hayey ee xabsiga ku jira isla markaana cabasho weyn ayaa laga muujiyey ” ayuu yidhi gudoomiyuhu

 

Gudoomiyaha akadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland waxaa uu sidoo kale tilmaamay in hadii mar danbe ay dib u dhacaan doorashooyinka Somaliland uu wadanku gali doono godoon siyaasadeed

Image may contain: one or more people and people standing

“Waxaa aynu dooneynaa waa in doorasho fiicani ay dalka ka dhacdo , ma dooneyno in doorashadu mar kale dib inooga dhacdo in xataa saacad lagu daro dooni meyno , madaxweyne Siilanyo na arintaas balan buu ka qaadey .

Hadii doorashadaas hal maalin dib loo dhigo Somaliland godoon siyaasadeed baa la galinayaa ” ayuu yidhi gudoomiyaha akadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here