Hargeysa (Saxilnews):- Waxaa iminka ku dhawaaqey in uu is casilay mid ka mid ah masuulyiinta xukuumadamadaxweyne Siilanyo isla markaana ah aas aasayaashii xisbiga Kulmiye .
Masuulkan oo ah gudoomiyaha la dagaalkan Musuq maasuqa iyo maamul wanaaga Muddane Axmed Maxamud Madar ayaa waxaa uu hada kula hadley qaar ka mid ah saxaafada Hoyga uu ka degan yahay magaalada Hargeysa isla markaana uu ku shaaciyey
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay In sababta uu isku casilaayo ay tahay dalka uu musuq maasuq baabiiyey isla markaana madaxweyne Siilanyo xilli dalkii musuqu xadhkaha goostey uu ku amarey in dabo al sameeyaan o ay shaqadooda qabsadaan
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay in dabo galka maanta la sameynayaa ee lix sanno hore la sameyn waayey ay ula muuqato mid dan gaar ah laga leeyahay
Fiiro Gaar Ah :- Dhawaan Filo Muuqaalka Warkan