Waxaana roobkan maanta helay degmadu uu ahaa mid biyo dhigay gadaha magaalada Isla markaana ay aad ugu qabowsadeen bulshada deegaanku.
Waxaana Degmada Ceel-afwayn iyo deegaanada hoos yimaadaba ka jirta xaalad adag oo abaareed oo sababtay dhimashada dad iyo xooloba,waxaan ay u baahan yihiin gurmad,sidoo kalena abaarta ayaa waxa bulshada deegaanadaasi u dheer xanuunka shuban Biyoodka oo sii ritey dad tiro badan oo iskugu jira waayeel,caruur iyo haweenba.
Gabagabadiina raxmaadka Eebe ayaa badiba ka hoorey deegaanada gobolada Bariga Somaliland oo ay ka jirto xaalad adag oo qalafsan oo ay sababtay abaartu,waxaana bulshooyinka deegaanadaasi ay aad ugu qabowsadeen raxmaadkan eebe ee u hoorey oo ay aad ugu hamuun qabeen.