Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Kormeer Ku Soo Maray Qaabka Ay Qeybinta Kadhaadhka Cod Bixiyayaashu Uga Socoto Deeganada Bariga Magaalada Berbera + Muuqaal /Sawiro 

0
21

Berbera (Saxilnews):- Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxaa uukormeer ku soo maaray qaabka ay qeybinta kaadhadhka cod bixiyayaashu uga socoto deeganada Bariga magaalada Berbera oo labadii habeen ee ugu danbeeyey ay roobabkii Gugu si fiican u masheeyeen oo ay u haleen

 

Deeganadan oo kala ah Biyo Guure , Xagal , Laas-Ciide , Xidh Xidh , Raari Buul iyo deeganada Hoos yimid ayaa waxaa aya dhamaan deeganaadani hoos yimaadaan magaalada Berbera ee gobalka Saaxil waxaana si habsami leh uga socda qeybinta kaadhadhka cod bixiyayaashaImage may contain: sky, car, outdoor and nature

Image may contain: 1 person, sky, car, tree, outdoor and nature

Image may contain: 4 people, people standing, sky, beard, outdoor and nature

Hogaamiye Xirsi oo deeganadan mid mid u gaadhey waxaa uu shacbiga ku nool ku booriyey in ay dhamaantood qaatan kaadhka cod bixinta kuwoodii hore isku diwaan galiyey , isla markaana waxaa uu u cadeeyey in xisbi ahaan la qaban doonan waxii karaankooda ah sidii dadka looga caawin lahaa tagitaanka goobihii ay iska diwaangaliyeen oo ay baabuurta shidaal ugu shubi doonan .

Sidoo kale Hogaamiye Xirsi ayaa waxaa uu shacbiga deeganadaas ku war galiyey in ujeedka safarkoodu aanu maanta aheyn olale balse uu yahay wacyi glin , balse maalinta doorashada la gaadho na ay ka filayaan in codkooda ay dhamaantood sin doonana xisbiga Waddani

Image may contain: 2 people, people standing and outdoor

Dhinacooda dadka ku nool deeganadan uu kormeerka ku soo maray hogaamiye Xirsi waxaa ay si diiran oo ay ka muuqato tageerada ay u ahayaan xisbiga Waddani ku soo dhaweyeen Hogaamiye Xirsi isla markaana waxaa ay u balan qaadeen in ay kaadhadhka sida ugu fiican u qaadan doonan , maalinta la gaadho wakhtiga doorashadana ay xisbiga Waddani u codeyn doonan

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada Iyo Muuqaalka Warkan

https://www.youtube.com/watch?v=qphO4V-Yd2Q

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here