MASUQMAASUQA BAAHAYSAN + AGOOMAHA HANTIDOODI LA CUNAY +AGOOMAHA HANTIDOODI MEEL AY U RAACAN GARAN LAH + HADAL HAYNTA KA TAAGAN GABILEY

0
22

Tan iyo markii xilka mayarnimo uu la wareegay gudoomiye aamiin cumar isla markaana xilka wasiirnimo ee warshadaha loo magacaabay gudoomiyihii hore shuceyb maxamed muuse ayaa waxa iska soo daba baxayey dareeno iyo hadal hayno kala duwan ooo ku saabsan xaalado iyo dhaqdhaqaaqyo ku lid ah amniga degaanka io nabad ku wada noolashahii bulshada walaalaha ah ee degaanka gabiley iyo fadeexado musuqmusuq oo ku duugan deyn qayrulsharci ah oo uu gudoomiyihii hore kaga tagey miiska dawlada hoosee gabiley arimahan oo bulshada reer gabiley waxa badan iska weydiinayan ayaanu gudoomiyiha cusub ee golaha deeganka gabiley uu afka k axidhey isla markaana uu ka gaabsadey inuu ka hadlo xadiga lacagta deynta ah ee la sheegayo inuu kaga tegey wasiirka warshadahu sidoo kale waxa kala jirta dhaqdhaqaaq uu ka wado wasiirka warshadaha ex maayarkii hore deegaanada qadawga kaas oo uu waqtiyadan danbebba ku hawlanaa si uu uga abuuro xasaarado uu ku doonayo inuu ka hantiyo

Beero dadkii lahaaa nool yihiin isagoo uga faa’iiday sanayaa musuuliyada iyo xilka wasiirnimo ee madaxweyne siilaanyo dhawaanta u magacaabay iyadoo la ogyahay heerka masuqmaasuq ee uu gaadhay mudadii uu xilka maayarnimo ee gobolka gabiley hayey shucayb ayaa waxay maanta laga jahwareersan yahay sida laga yeelayo deyn la sheegainay kor u dhaaftay laba bilyan iyo sided boqol oo milyan oo sl shilin ah isla markaana laga war ahay in deyntii ku jirtay miisaaniyadii dawlada hoose bishii labad ee sanadka 27/2/2015 ka ay golaha deeganka ansixiyeen ay dhamayd todoba boqol iyo todobaatan milyan oo sh sl

Balse ay xilwareejintii soo baxday 2.8 milyan taas oo ay ka muuqato musuqmaasuqa baahsan ee laga yaxyayayo tusaale ahaan gaadhigii uu ka iibsadey wasiirka hore warshadaha abiib diiriye nuuur ex wasiirkii warshadaha la kala siistay 7500$ isla markaana la bixiyey ataa gadaba uu wakhtigan lacagta deynta ah ee uu wareejiyey ay jiraa gaadhi qiimihiisu yahay laga dhigay 19.000$ oo deyn ah

Su’aalaha la isweydiinaya waxay weeyi gaadhigan laba sano ka hor laga iibsadey abiib ee hadana mar labaad dawlada hoose laga iibinayo ee magaca kale laga galeyey gaadhigan “ma abiibaa lahaa “ma shucayb ayaa lahaa “ma dawlada hoose gabiley ayaa lahayd “ isku soo wada duuboo iyadoo la ogyahya halka uu ka taagan yahay karaamo ahaan wasiirka sl oo ay xaaladiisu ku noqotay ninkii maqasha lagala quustay uu madaxweyne siilaanyo geel u dirtay ayaa waxa uu muuqata mid laga mishiinkhso bulshada dhexdeeda waxana ayaan daro inteeda leeg ah in ninkii raadka uu kaga tagey xafiiskii uu madaxda ahaa la ogyahay inuu maanta mar kale uu haleen yahay inuu sidii uu uga beensheegi lahaa dareenka dhabta ah ee bulshada ku dhaqan gabiley oo uu markii horeba faro madhan ka joogay

Waxa taas ka sii daran damac qaawan ee uu ku doonayo inuu degaanka qadawga ilaa geed balaadh kaga looso xasaarada xaal u helisteeda laga raagi doono madaxweyne siilaanyana waxan leeyahya kabo tolaha aad kab ka tolanayo kabihiisa la eegaa

Maxamed Biid

Marna Kama Masuul Nihin Maqaalada la soo Gudbinayo lkn waxa ka masuul ah Maqaalka la soo qoray qofka soo gudbinaya Anagu kaliyaata waan Sharafnaa Si aan U Tixgalino Waanan u fulinaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here