Burco (Saxilnews):- Waxaa goor dhaweyd isna ku dhawaaqey in uu iska casilay xilkiixisbiga UCID iyo xubin nimadii xisbigaasi gudoomiyaha gobalka Togdheer ee xisbiga UCID Muddane Aadan Xussen Maxamed .
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in maanta laga bilaabo uu xilkaasi iska casilay , waxaana ay is casilaada gudoomiyahani ku soo beegmaya xili ay maanta duhurkii is casileen gudoomiyihii gobalka Maroodi-Jeex iyo afhayeekii guud ee xisbiga UCID Mr Shabaash .