Maayerka Burco Oo Xalay Shir Qarsoodiya La Galay Ganacsatada Bacadlayaasha Bariga Burco, Dhulkii Booliska Ee Saldhiga Dhexe Ee Burco Ku Xigay Oo Uu Ka Iibinayo Ganacsato Iyo Moogananta Xukuumadda 

0
15
 Hargeysa(Saxilnews)Wararka ka imanaya magaalada Burco Ayaa tibaaxaya in Maayerka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf  Cabdiraxmaan (Muraad ) uu shir qarsoodiya la galay Ganacsatada bacadlayaasha burco kuwaas oo uu damacsan yahay sida la sheegay inuu si qarsoodiya uga iibiyo dhulkii booliska ee u dhawaa saldhiga Dhexe ee magaalada Burco kaas oo maalmihii u danbeeyey muran xoogan ka taagnaa.

Shirkan la sheegay inay isku jilbo dhigteen maayer Muraad iyo ganacsatada Bacadlayaasha bariga Burco ayaa ah mid xogtiisa la ilaaliyey si aan loo fashilin damaca Maayar Muraad ee ku saabsan dhulka danta guud ee ku yaala saldhiga dhexe ee Burco dheegiisa, Maayer Maxamed Muraad ayaa xoguhu sheegayaan in ganacsatada  ka hor shirka kula dar-daarmay inanay bixin xogta wada hadlka dhex maraya si aaney ugadoodin ganacsatada bacadlayaasha kale.

Ilo xog ogaal ah oo dhaq-dhaqaaqooda diiradda ku hayey ayaa sheegay in maayerka oo kaa shanaya dilaalin ay ku guda jiraan sidii ay u iibin lahaayeen dhulkan danta guud ah ee Booliska isla markaana ku dhagsan Saldhiga Dhexe ee Burco isla markaana dhawaan laga raray ganacsatadii yar yarayd ee hor degenaa.

Ganacsatadan uu la shiray maayer Muraad ayaa magacyadoodu kala yihiin sida xoguhu sheegeen Jaamac Oogle, Jaqle, Kalili, Sacad iyo Saalax Bulayax kuwaas oo dhamaantood ah ganacsato ka soo jeeda bariga Burco ayaa la sheegay in maayer Muraad ka iibinayo dhulkii booliska Burco isagoo ka qarinaya dhamaan xildhibaanadii golaha deegaanka degmada Burco oo ah mudanayaal la,la doortay isagoona badalka xildhibaanada ka dhigtay sida xoguhu xusayaan nin  dilaal u ah  oo iskaga dabqaadaya ganacsatada iyo maayer Muraadka Burco kaas oo lagu magacaabo Dagamsade oo ay isku reer yihiin Maayer Muraad.

Dhulka danta guud ah ee ku xiga Saldhiga Dhexe ee Burco isla markaana maayar Muraad damacsan yahay in uu si qarsoodi ah ku iibiyo ayaa la siinayaa sida xoguhu tibaaxayaan lacag dhan Tobon Milyan oo Dollar.

Shirka oo ahaa mid aan cid kale tarraxin ayaa diirada lagu saaray sida ugu haboon ee lacagta loo kala qaadanayo maayerka oo luuqad uu ku doonayey inuu dhulka ku fasaxo ku beerlaxawsadey ganacsatada ayaa usheegay in dhulku muhiimad ugu fadhiyo ganacsigooda isla markaana ay ka faa,idayaan istaraajiyada uu u leeyahay wuxuuna maayer Muraad u sheegay in ganacsadihiiba bixiyo lacag dhan 50,000 Kun oo dollar meeshana ay la wareegaan wixii isaga ku xidhanna uu deg-deg ugu dhameeyo sidoo kale maayerka ayaa ganacsatada u sheegay in ay lacagta ugu dhiibaan dilaal Dagamsade oo ah ninka iskaga dabqaadayey ganacsatada iyo maayerka isla markaana ay lacagta deg-deg u bixiyaan.

Sidoo kale waxaa jirta 500,000 kun oo dollar taas oo madaxweynaha Somaliland siiyey degmada burco si loogu dhiso wadooyin 10km oo dhex mara Burco,waxaana wadada xaafadda Agtoobar waxaa qabyo ah in dhan 1 km taas oo burbur xoogani ka muuqdo.

Dhulkan uu qarsoodiga u iibinayo ayaa maayerku si aan gabasho lahayn ugu tagri falayaa digreetadii dhawaan lagu fasaxay qaybo ka mid ah dhulka danta guud ee dalka taas oo u xil saaran tahay wasaarada hawlaha Guud balse ay ilaa imika aaney ka war hayn damaca aduun doonka ah ee maayer Muraad ku mijo xaabinayo qaar ka mid ah meelaha Istaraajiga ah ee dhulka danta guud.

Sidoo kale wuxuu maayer Muraad hore u iibiyey dhul kala duwan oo magaalada Burco ku yaala cidina aaney xisaabin. Waxaana ka mid ah

1-Xero-Xashiishkii  ay yaaleen Haamaha Qashinka Lagu Qubo Ee Suuqa Xanaanada Faarax Oomaar Dhinaceeda  oo uu  ka Iibiyay Dad  ganacsato ah  Haamihii qashinka  meesha laga qaaday

2- Xero Xashiishtii Haamaha Qashinku Yaaleen ee Baarsiigo ama garoonka  Kubada Cagta Dhinaceeda oo uu Maayerku ka iibiyay dad ganacsato ah  haamihii qashinkana meesha laga qaaday

3- Xero xashiishta. Suuqa Weyn ee Badhtamaha Burco. ee ay yaaliin haamaha Qashinka lagu rido. ee caanka ku ahayd Wadhac wadhacdii oo laga iibiyay dad ganacsato ah haamihii qashinkana meesha laga  qaaday

4- Wadada Dhinaca Bari ka marta Hotel New Burco oo laga iibiyay dad ganacsato ah dhulkaas oo isu gayn oo noqanayo. 60 Baloodh  qeybo ka mid ahna la Seesay. sida wajahadii laamida eegaysay oo kale.

5- Wadada Dhinaca waqooyiga kaga soo jeeda Hoteel  Blaza oo laga iibiyay dad shicib ah guryona laga dhistay dhul ahaana noqonaysa 65 Baloodh.

6- Xera dhiigtii hore ee magaalada Burco. oo. dhawaan laga raraayo Qalista xoolaha. oo loo rarayo Xera dhiigta Cusub. isla markaana Xero  dhiigta hore loogu tala galay in laga dhiso  xanaano iyo dugsi sare  oo iyana. dad shacaba Qeyb ka mid ah la siiyay  qeybta kalana Maayerku ka iibiyay dad shacaba

7- Wajahadii  ka Horeeysay Hoteelka Indho-deero  illaa laamida oo maayarku ka iibiyay Ilma indha deero. kana siiyay lacag aad u badan Dhismihiina ku socdo.

8-Garoonkii Kubada Cagta ee Burco Darbigiisa dambe ee dhinaca Jaranjarada ka sii jeeda. oo dhawaan dadkii yaalay laga raray oo uu maayar muraad ka iibiyay dad ganacsato ah  Sekadaa dhan ee darbigaasi

9- Wajahada Soo eegaysa. Saldhiga Dhexe ee Burco Oo sandaqado ahaan jirtay.”

 

Waxaana shirkan qarsoodiga ah ee maayerku ku iibinayo  dhulka Booliska magaalada burco isla markaana uu la galay ganacsatada bacadlayaasha bariga Burco ayaa ku soo beegmaysa xili uu maanta Madaxweyne siilaanyo uu hanti dhawrka qaranka ugu yeedhay inanay maciisa ahayn dadka musuq-maasuqa sameeya sidoo kalena ay diiradda ku hayaan xiliga kala guurka oo ay dhacdo xatooyada xoolaha ummadda oo la xalaashado waxaana la sugayaa in hanti dhawrku  casharkii ugu horeyeey ku bixiyo maayer Muraad.

Xigasho:-Ramaasnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here