Qiimee Shalay iyo Maanta Wadada isku Xidha Caasimada Hargeysa Iyo Magaalo Xeebeeda Berbera

0
29

Berbera (Saxil News.com)-Dad badan oo shacab ah iyo madax badaniba waa ku geeriyoodeen  shilal baabuur oo ka dhacay wadadaa dheer ee isku xidhana magaalooyinka berbera iyo hargesa, sababtuna ay ahayd wado xumo , Waxaa wadadaasi ku maqan haldoor badan oo Somaliland ku faadhi jirtay madax badan iyo masuuliyiin qaaliya, shacab aan lasoo koobi Karin wallow uu wadkoodu  hadana sababta koobaad wada xumo ayey ahayd, Markii  dalku galay isbedelkii la magic baxay UDUB ka guuro KULMIYE u guur, waxaa la sameeyey  qorshe  lagu waajahaayo  dayactir lagu sameeyo  jidadkaasi baaba,asan  waxaana Hay’adda wadooyinka Somaliland  oo wakhtigaasi fadhiid  dadkuna aanay aqoon si rasmiya loo hoos keenay Wasiirka madaxtooyada, waxay bilowday dar dar cusub oo ay ku hagajinayso wadooyikaasi  dedaalkii ay samaysay wuxuu dhalay inay jagleesho wadooyin  cusub oo dawlado hore ka  baqeen inay sameeyaan.

Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu guure, galab iyo gawaan socod u maray siduu uga soo bixi lahaa masuuliyadaasi la saaray  dadkiisuna u bad baadi lahaayeen loona heli lahaa wado waanagsan oo la maro , wuxuu bilaabay hindisayaal cusub  maskax fayow oo caafimaad qabta ayuu ku cabiray  rabitaankasta oo loo bahan yahay in qorshahaasi loo suurta geliyo , ilaaahay nin daacada ma dayacee guushuu midigta uga dhiibay,  tusaale waxaa inoogu filan shalay siday ahayd wadadaa isku xidha Hargeysa iyo Berbera iyo maanta siday tahay ilaahay mahadii weeye libanta Xirsibaa iska leh.

Somalida ceeb teed maaha waa caadadeed inay qofka markuu dhinto amaanaan ama ka mahad sheegtaan markuu xilka ka tago, hasa ahaatee way quudhi waayaan intuu noolyahay ama uu masuuliyad hayo inay wanaagiisa ku amaanan ama sheegan bedelkeedana waxay doonaan xumaantiisa iyo wax ka sheegiisa iyagoo markay waxba ka waayana u sameeya dacaayado raqiisa oo aan waxba ka jirin , Hadaba maanta anigu Xirsi Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyada isagoo nool oo masuuliyad  qaran haya Waxaan uga mahaq naqayaa ku Ammaanayaa kuna hanbalyeynayaa Libanta iyo ficilka uu kaga rumeeyey kartida uu muujiyey iyo xilkasnimadu waa midaan maraba lagu gaadhayn.

Haldoorka Wasiirada Xukuumada Kulmiye  Wasiir Xirsi Calli Xaaji Xasan, masuul ilaahay ugu deeqay daacadnimo iyo karaamo bini aadam, qiimayn aan ku sameeyey golaha wasiirada ee Dawlada siilaanyo waxaan ku ogaaday inuu Wasiir xirsi yahay wasiirka ugu muda karsan, ugu shaqada bada ugu kartida badan, anoon faaninayn hadana waxaan ogahay makhraati ka ahay inuu yahay halyey  Madaxweynaha iyo ku xigeenka ka sakow  uu lafdhabar u yahay qarankeena.

Somalidu waxay tidhaahdaa dadka lama ammaano, waxaan leeyahay waa la ammaanaa markay mutaystaan sida xirsiyoo kale , waa masuul u daacada dalkiisa iyo dadkiisa  kana turjumaday siyaaasadii Madaxweynaha Qaranka ee ahayd hiigsiga iyo himilo ku taamka qarankan curdinkaa ee JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here