Dawlada Ingiriiska Oo Ku Dhawaaqdey In Ay Ciidamo U Soo Diri Doonto Dalka Somaliya Iyo Shaqooyinka Ay Qaban Doonan .

0
24

London (Saxilnews):- Dawlada UK ayaa waxaa ay ku dhawaaqdey in ay ciidamo ku soo diri doonto dalka Somaliya ,kuwaas oo ku sugnaan doona magaalada Modisho ee caasimada dalkaasi .

 

Ciidamadan ayaawaxaa ay shaqadoodu noqon doonta in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska ciidamada dalka Somaliya isla markaana ay toobabaro siiyaan ciidamada Military- ga dalka Somaliya .

 

Sidoo kale waxaa xusid mudan in magaalada Moqdisho ay hore ugu sugnaayeen Saraakiil ka socda Dalka UK kuwaas oo tobabaro siin jiray ciidamada Somaliya iyo kuwa Amisom .

Dhinca kale Horaantii bishan ayay aheyd markii magaalada Moqdisho ay soo gaadheen Ciidamo mareykan ah kuwaas oo shaqadooda lagu sheegay in ay noqon doonto in ay toobabaro siin doonan ciidamada Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here