Natiijada aftida ayaa ka dhigan in madaxweyne Erdogan uu xafiiska sii joogi doona ilaa iyo sannadka 2019-ka.
Xisbiga mucaaradka ee ugu weyn dalkaasi ayaa sheegay in wax isadabamrin ay hareesay codbixinta.
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna meel fagaara ah ka sheegay in si aqlabiyad ah lagu meel mariyay dastuurka cusub.
Taageerayaasha madaxweyne Erdogan ayaa dhankooda sheegay in arrintani ay ka dhigantahay in hanaanka barlamaanka ee dalkaasi lagu bedelayo qaab Madaxweyne
Maxaa ku qoran dastuurka cusub?
1. Dastuurka cusub waxa uu dhigayaa in doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka xigta la qaban doono 3 nofeember 2019.
2.Madaxweynaha waxa uu dalka ka talin karaa laba xilo doorasho oo min shan sano ah.
3.Madaxweynaha ayaa si toos ah u soo magacaabi doono wasiirada iyo saraakiisha sarsare.
4. Wuxuu sidoo kale magacaabi karaa madaxweyne ku xigeena dhowr ah.
5. Waxaa meesha laga saari doonaa xilka ra’iisalwasaaraha oo uu hadda hayo Binali Yildirim.
6.Madaxweynaha wuxuu awood u lahaan doonaa inuu faragelin ku sameeyo waaxda caddaaladda oo uu Erdogan horay ugu eedeeyay inay u janjeeraan dhinaca wadaadka Fetxullahi Gulen.
7. Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqi karo xaalad deg deg ah.