Lacagtaa Lagu Lunsaday Baabuurta Yar Yar Ee Dekeda Berbera Waa Sharci Darro Waayo Wadanku Wuxu Leeyahay Gole Sharci Dajin

0
22
waxaan ku bilaabayaa magaca ilaahay aniga oo ah muwaadin reer s,land magacayguna yahay c,risaaq maxamed ibraahin degena gobolka saaxil gar ahaan degmada berbera ugu horayn waxaan salaamayaa madaxda qaranka jamhuuriyada s,land muxaafad iyo mucaaradba waxanaan ku salaamayaa salaanta islaamka asc bacda salaan waxan halka kaga hadlayaa fikirkayga shakhsiga ah ee ku saabsan mashruucan layidhaahdo tayada gaadiidk ayaa la eegayaa oo la yidha wasarada hawlaha guud ayaa ku magacaaban oo aan odhan karo run ahaatii waa sharci daro waxaan lacagtaa lagu lunsaday nidaam shaciga wadanka baal marasan waayo wadanku wuxu leeyahay gole sharci dajin
Oo loo igmaday in ay hagaan shaciga wadanka lagu maamulayo kaas oo ah nidaam dastuuri ah ee aan ahayn waxay iyagu samaysteeen arinkaa la leeyahay tayada gaadiidka yar yar ayaa la eegayaa anigu wan canbaraynayaa sababtoo ah marka la eego tayadii gaadhiga ee cilad lagu arko miyay wasarada hawlaha guud qofkii ka helinaysaa gaadhigii waa maya waliba taas waxa dheer cashuurtaa wadanka intii xukumadan kulmiye talada haysay waa la saddex laabay lacagta dhaadhigu dekeda ku imanayo iyo cashuurtu way isku dhaw yihiin hadana lacag kale oo sharciga baal marsan ayaa laga qaadayaa waa xaraan arinkaasi ee xukumadu dib hawgu noqoto oo shacabka halaga daayo tacdiyada ay ku hayso xukumadani waxaan madaxwaynaha qaranka s,land u soo jeedinayaa arinkaa in uu dib ugu noqday oo laga daayo ganacsatada lacagtaa sharci darada ah maalin walba cashuur ayaa la kordhiyaa iyada oo noloshii bulshadu ay hoos u sii socoto maalinba maalinta ka danbaysay shay qiime ku kordho mooye waxba hoos uma dhacaan hadaad eegto manta lacagtii s,land way qiimo dhacday waxa ka qiimo sareeya lacagaha qalaad maxaay ku dhacday in lacagtii wadanku waxba goynwaydo waa nasiib daro taasi waxaan mar labaad leeyahay madaxwaynaha qaranka s,land madaxwayne wax badan waad qabatay laakin waxa nasiib daro ah in lacagtii qaranku qiimo dhacdo dawlad kasta lacagtooda ayaa ka qiimo daban lacagaha kale maxaa teena qiimo tiray oo hoos uga dhigay lacagaha qalaad madaxwayne arinka lacagata wadanka hoos u eeeg oo qimahay lahayd wakhtii madaxwayne cigaal dib ha loogu celiyo si qiimaha qaranku sare ugu koco
Xaaji Cabdirisaaq Maxamed Ibraahim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here