Madaxweyne Farmaajo Oo Warqadihii Aqoonsiga Ka Gudoomey Safiirka Cusub Ee Dalka Shiinaha U Fadhiyi Doona Moqdisho + Sawiro

0
17

Moqdisho (SaxilnNews):- Madaxweynaha dalka Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa waxaa uumaanta warqadihii aqoonsiga uu ka gudoomey safiirka cusub ee dalka Shiinaha u fadhiyi doona magaalda Moqdisho Mr Qin Jain

Image may contain: 2 people, people standing and suit

Muddane Farmaajo Madaxweynaha Somaliya ayaa Safiirka cusub ee Shiinaha ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga, iyo dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Shiinaha.

 

 

Safiirkan cusub ee Shiinaha Qin Jian ayaa sheegay inuu xoojin doono xidhiidhka Soomaaliya iyo dalka shiinaha oo ahaa mid muddo soo jiray.

Farmaajo oo qoraal kooban oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in xiriirka labada dal Shiinaha iyo Soomaaliya uu yahay mid fac weyn.

Image may contain: 1 person, standing and suit

Waxaana uu noqonayaa Safiirka cusub ee Shiinahu mid lagu bedelay safiirkii horay u joogay ee waqtigiisu dhamaaday oo lagu magacaabo Wei-Hongtian, balse Soomaalida u taqaanay magaca Warsame Geel Jire, waxaana uu ahaa nin ku hadla afka Soomaaliga oo horay uga qalin jebiyay Jaamacadda Umadda.

Image may contain: 2 people, people standing

Image may contain: 1 person, standing and suit

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here