Hargeysa(Saxilnews)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE aanu wax werwer ah ka qabin in uu ku guulaysan doono doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto daboyaaqada sannadkan, isla markaana ay tartanka ku geli doonaan waxqabadka muuqada ee dalka laga hirgeliyay.
Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda abaareed ee ka jirta guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland, kaalintii ay xukuumaddu ka geysatay gurmadka samato-bixinta dadkii ku tabaaloobay abaarta kulul iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay xukuumaddu la gashay dawladda Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay in aanay KULMIYE ahaan ku faraxsanayn dib u dhaca ku yimmi doorashada madaxtooyadda Somaliland, balse ay taasi keentay duruufo dalka ka dhacay, waxaannu yidhi; “Dib u dhaca doorashooyinka waxaa keenay duruufo, wax kastana waxaanu ka jeclayn dimuquraadiyadda, haddana waxa aad ku xisaabtamayso mar kasta waxa iman kara wax kale oo lidi ku ah oo duruufi keento. markaa maanu jeclayn in ay wakhtigeeda dhaafto ee waxaanu jeclayn in aanu wakhtigeedii ku tartano, laakiin duruuf baa keentay mana aha wax aanu ku faraxsanahay.”
Cabdiraxmaan Saylici waxa uu sheegay in ay kalsooni badan ka qabaan in KULMIYE mar labaad ku guulaysto doorashada madaxtooyada ee la filayo, isla markaana ay xukuumaddu muujisay waxqabad ballaadhan oo ay bulshadu ka markhtaati kacayso, isla markaana lagu dooran karo mar labaad; “Annagu (KULMIYE) kayd baanu haysanaa, kaas oo ah waxqabad muuqda oo ay maanta ummadu taaban karto, markaa werwer kama qabno doorashada, waxaanu ku kalsoonahay muddadii aanu joognay in aanu waxqabad ballaadhan samaynay iyo mashaariic horumarineed, kuwaasi oo ay ku dhici waayeen dawladihii hore, oo ay ka mid yihiin derajada ciidammada ee la bixiyay, miisaaniyaddii iyo dakhligii dhaqaalaha dalka oo aanu xoojinay, waxaanu xoojinay iskaashigii dadwaynaha iyo dawladaha hoose, maagaalooyinkii oo aanu wada laamiyo ka dhignay iyo mashaariic waawayn oo maalgashi oo aanu dalka u soo jiidnay,”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka oo warramay Kalsan TV.
Madaxweyne ku xigeenka oo la weydiiyay siday u wada shaqeyn karaan Muuse Biixi, wuxuu sheegay inaanay ahayn dad isku cusub hase ahaatee ay soo wada shaqeeyeen, waxaannu yidhi; “Xidhiidhka aniga iyo Muuse Biixi aad buu u fiican yahay, waa saaxiibkay, nin igu cusub maaha, waa nin aanu soo wada shaqaynaynay ilaa maalintii la asaasay KULMIYE, waa nin aanu mucaarid iyo muxaafidba ku soo wada shaqaynay, waa nin aanu is curfi baranay, xidhiidhkayaguna aad buu u wanaagsan yahay oo rag maanta is baranaya ma nihin, waxaanu nahay laba nin oo isku fahamsan nin waliba hawsha uu qabanayo iyo halka uu ka tallaabsanayo.”
Mudane Saylici oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku kabay; “Xisbiga KULMIYE dhexdiisa waxaa soo maray tartan badan oo aan mar odhan karo tababar dimuquraadiyadeed buu ahaa oo KULMIYE dhexdiisa ku baranaynay, marna aan odhan karo xukuumad ahaan dhib buu ku ahaa hawlmaalmeedkeeda iyo shaqo socodsiinteeda. Laakiin mar kasta anigu waxaan ahaa nin ku shaqaynayay siyaasadda madaxweynihiisu ku shaqaynayo oo taageersan siyaasadda uu madaxweynuhu wato, kadibna tartan badan dabadii ninkii uu nasiibku siiyey ee meesha ku soo hadhay ayay noqotay.”
Madaxweyne ku xigeenku wuxuu xusay dimuquraadiyadda xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka jirta, waxaanu yidhi “Marka run loo hadlo xisbi ka dimuquraadisan KULMIYE wali dalka ma soo marin, markaanu mucaaridka ahayna dimuquraadi uun baanu ahayn, sababta oo ah dimuquraadiyada ayaa laba nooc ahoo qofku in uu doorashadii sugo oo marka laga badiyo uu ogolaado in qofku marka uu arko in laga badaniyo dibadda ku go’aan qaadanayo in aanu halkaa(shirkaa) tagin, waana ta Soomaalida ku badan, way dhacdayoo, annagu raggii KULMIYE aasaasay ayaanu ahayn, walaalkay Cabdiraxmaan Aw Cali oo ururkiisii ASAD dhacay ayuu KULMIYE soo qaatay, kolkaanu ogaanay in xisbigii watana maanu galin tartankiiye dibada ayaanu kaga baxnay, taa bedelkeeda Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Caddami markii Burco ay arkeeen in laga badinayo tartankii may gelin ee dibadda ayay ka joogeen.”
Cabdiraxmaan Saylici oo la weydiiyay sida uu u arko dhaliilaha xukuumadda loogu jeediyay heshiisyada ay la gashay dawladda Imaaraadka carabta iyo qorshaha shiidaal sahaminta, waxa uu yidhi; “Dadkeennu iyaga oo aan nuxurka iyo faa’iidada dalka aan qiimaynayn in ay dadku qaylo aan sal lahayn ay dadku iska qayliyaan oo aan si cilmiyaysan looga doodin, DP World waad ogayd waa shirkad caalami ah oo qiimaha iyo waxa ay innoo samaysay aad ogayd isla markaana la arko doono sida uu u kobciyo dhaqaalaha dalka, kana waa laga qeylinayay, kan saldhiggana waa laga hadlay, shidaal baadhistaa socotana waa laga qeylinayaa, markaa qeyladu dabeecad ayay innaga noqotay.”
“Heshiiska aanu soo galnay waxa weeye, maanta waxa aynu nahay dawlad Somaliland la yidhaahdo oo u oomanayd in ay hesho xidhiidho iyo saaxiibo caalami ah iyo in ay maalgashi caalami ah hesho, markaa taas uun baanu ka shaqaynaynay, mashruucaasina wakhti buu soo qaatay, golaha Baarlamaanka ayuu maray oo ansixiyay. markaa wax cad oo muuqda ayuu ahaa,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ka hadlay siyaasadda xukuumadda ee ku wajahan khayraadka biyaha; “Xukuumaddu siyaasad joogto ah ayay ka leedahay wax soosaarka khayraadka biyaha, caalamka iyo dawladaha aanu saaxiibka nahayba waxaanu ka codsanay in ay arrinkaas wax inagala qabtaan, markaa siyaasad cad ayay xukuumaddu ka leedahay arrintaas, sidii biyaha loo qaban lahaa iyo sidii ceelal dhaadheer loo qodi lahaa, hadda waxaanu haynaa mashaariic ku saabsan afartan ceel oo dhaadheer oo dalka laga qodayo. markaa hadda waxaa la wadaa in dalka la keeno riigag waawayn oo qodo kari ceelal dhaadheeer,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.
Waxa kaloo uu ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka taagan iyo saamaynta ay ku yeelatay dad iyo duunyaba, waxaanu yidhi; “Xaalad abaareed oo aad u adag ayaa dalka ka jirta, sannadahan dambena way innagu soo noqnoqotay, sidaad la socoteen sannadkii hore ee dhammaaday horaantiisii dalka abaar ayaa ka dhacday taas oo u badnayd dhinaca gobollada galbeedka, sannadkan hadda dhammaadayna abaar ayaa dalka ka dhacday taas oo u badan gobollada bariga dalka, inta baddana waxaynu kaga samato-baxnaa iskaashiga bulshada iyo xukuumadda. Waxaana la qiyaasayaa in xoolihii Somaliland ku noolaa ay baxeen boqolkiiba lixdan, waxay abaartani keentay isu guur aan hore u dhici jirin, maanta waxaa dhacday in gobol ilaa gobol ay dadku isu guuraan, taas ayaana dhibaatada ugu wayn keentay, waxaanay samaysay culays dheeraad ah. Xukuumadduna waxay ka hawl gashay in dadkaa la daba socdo oo la taakuleeyo wixii ay dawladdu itaal heli karaysay iyo bulshada iyo ganacsatada oo iyaguna kaalin wayn ka geystay.”
Xigasho:- Wargeyska Dawan