Venezuela (SaxilNews):- Dad mudaaharaadayey iyo booliska rabshadaha la dagaallama ayaa isku dhacay intiiay socdeen banaanbaxyo ka dhacay Venezuela, ka dib markii hogaamiyaha mucaaradka, Henrique Capriles, laga mamnuucay siyaasadda muddo 15 sano ah.
Magaalada caasimadda ee Caracas, ayey boolisku gaaska dadka ka ilmaysiiya kaga hor istaageen mudaaharaadeyaasha inay gaaraan bartamaha magaalada iyo xafiisyada baarlamaanka, taasoo keentay in iska horimaad gacan ka hadal ah uu ka dhasho.
Dadka banaanbaxayey ayaa tuurayey dhagxaan iyo bambooyin batrool ah, ayadoo booliskana uu gaaska dadka ka ilamaysiiya ku riday.
Mr Capriles wuxuu sheegay in xaruntiisa uu dab qabsaday, ka dib markii gudaha loogu tuuray gaaska ilmada keena. Henrique Capriles waxaa siyaasadda laga mamnuucay muddo 15 sano ah.