Golaha Wakiiladda Oo Laalay Lacago Dekadda Berbera Lagaga Qaado Ganacsatada Baabuurta Dalka Keenta

0
25

Hargaysa (Saxil News.com)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta qaraar ku laalay Lacagta 80-ka Dollar ah ee laga qaadi jiray Gaadiidka dekedda

 ka soo degaya. Fadhigii golaha ee maanta ayaa la hor dhigay Mooshin loogu cadaynayo Lacagtaasi waxaanay badiba Mudaneyaasha kulanka ku sugnaa diidaan in Lacagtaasi la qaado.

Ganacsatada Gaadiidka soo dejisa ayaa Olole badan ka galay sidii lacagtaasi looga dhaafi lahaa kadib markii Xukumaddu ruqsad u siisay Shirkad xafiis ka furatay Berbera oo lagu sheegay inay ilaalinayso tayada gaadiidka islamarkaana gaadhigii kasta ee soo dega ka qaadaysa lacag dhan 80 Dollar.

Ganacsatada ayaa Lacagta ku tilmaantay mid dad gaar ah lagu naasnuujinayo looguna samaynayo Mashruuc ay lacag ku gurtaan, balse Wasiirka hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa hore ugu dooday inay tahay lacag ay Wasaaraddiisu jidaysay oo lagu dhawrayo tayada gaadiidka dalka soo galaya.

Go’aanka ka soo baxay aqalka Wakiilada ayaa ka mid noqonaya go’aamada faro ku tiriska ah ee Goluhu ugu daneeyo Bulshada, kaasi oo aanay mucaarad iyo Muxaafad u kala hadhin. 

Waxaanu Go,aankuna Ka dan beeyey socdaal ay dhawaan Gudida Dhaqaalaha Ee Golahaasi Ku Yimaadeen Xarunta Dekeda Berbera Isla Markan ay Indhahooda Kusoo Arkeen Tayada Qalabka Lagu Baadho Gaadiidka Ee Dekeda Yaala Taasi Waxay Keentay Inay Guud Ahaanba La Diido Lacagtaasi Sharci Darada Ah Ee Laga Qaadayo Gaadiidka Yar Yar Ee Dalka Kasoo Degaya 

Arintani Waxaa Hore Uga Qayliyey Gaadiidlay Baaburta Kala Soo Degta Dekeda Magaalada Berbera ” 

Waxaana Lagu Wadaa Talaabada Ganacstadu Qaadi Doonto Madaama Ay Sharci Dejinta Wadanku Sharci Daro Ku Tilmaamtay Lacagta Dul Saarka Ee Lagu Soo Ragay Gaadiidlay Yar Yar Ee Somaliland

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here