Moqdisho (SaxilNews):- Madaxweynaha dalka Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa la filayaain uu saaka ka anba baxo magaalada Moqdisho ee xarunta dalka Somaliya.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu safar ku tagi doono dalka imaraadka carabta oo uu marti qaad ka helay isla markaana ay ka wada hadalaan heshiisyo ganacsi iyo mid ciidan oo dalkaasi la galay Somaliland iyo Puntland .
Dawlada Somaliya iyo Imaraadka ayaa la sheegay in aanu mudooyinkii ugu danbeeyey aanu fiicneen xidhiidhka ka dhaxeeya
Lamana saadalin karo safarkan uu Farmaajo ku tagaayo dalkaasi waxuu ka bedeli doono heshiisyada Imaraadku la galay Somaliland iyo Puntland iyo sidoo kale xidhiidhka Somaliya iyo Imaraadka