Hargeysa(Saxilnews)Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland oo maanta magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlay ayaa waxay si adag uga hadleen Urur diimeedka la magac baxay Saadicuuna Bil XaQ oo dhawaan gudaha somaliya dhowr magaalo lagaga dhawaaqey.
Sheekh C/raxmaan Maxamed Cabdala oo ah gudoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa si faahfaahsan uga hadlay ururka isaga oo ku dheeraaday shaqsiyaadka mid ah oo ay aqoon durugsan isku leeyihiin iyo halka ay salka ku hayaan.
Guddida ayaa xukumada Somaliland ugu baaqday in gacan adag oo deg dega ah ay ku qabtaan shaqsiyaadkasi Hargeysa kaga dhawaaqey iyo cid kasta oo wada urur diimeed.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka
https://www.youtube.com/watch?v=7mr5uUg-CEU