Danyar-nimo Waa Baahi Xanuun Badan Iyo Nolal Aad U Daran !

0
22

Hargeysa (Saxilnews) danyarnimada waa baahi xanuun badan, waa nolol cidhiidhiya, waa wax la’aan, waa sawir muujinaya cidlo ciirsi la’, waa nolol murugo leh, fikir badan, walaac leh.

Dadka danyarka ahi waxay raadiyaan nolol maalmeedkooda, waxa laga yaaba sadexdii wakhti inay hal wakhti ay wax helaan ama ay waayaanba.

Dadka danyarka ahi, waxa ay raadiyaan nolol ka duwan, tan ay hada ku nool yihiin, habeen iyo maalin ilmo ayaa ka soo taagan indhahooda, waxay is weydiiyaan noloshan ay ku nool yihiin, dharka ay xidhan yihiin, kabaha ay gashan yihiin, hoyga ay ku jiraan.

Waxay ay arkaan dad ama jaarkooda oo nuuraaya, nolol fiican ku jira, mararka qaarkood qaar ka mida dadka danyarta ahi waxa ay waayaan, saaxiib, wehel.

Dadka danyarta ahi, waxaa ay is weydiiyaan su’aalo ay ka mid yihiin maanta hadaad taajir ahaan lahayd ka waran, fooqaqa dhaadheer ee magaalada ku yaala hadaad qaar lahaan lahayd, gaadhigan oo kale hadaad wadan lahayd, haduu maanta aabahay wasiir ahaan lahaa, haduu maanta aabahay madax weynaha dalka yahay. waxaan noqon lahaa sidan iyo sidan.

Noloshiisa ku yidhaah, weydiiyaa siday noloshaadu ula daristay baahidan, xaq miyaa…..

Ma jirto cid ka war haysa ruuxa danyarka ah nolosha uu ku nool yahay, ma jirto cid ka war haysa saaxiibkiisa danyarka ah.

 

Dadka danyarta ahi waxay iskugu jiraan qaar noloshoodu ay aad u liidato, aan haysan ehel iyo cid tabaalaysa ama u gargaarta,qaar xanuunsanaaya, naafo ah, wax ay quuto aan haysan.

Waxa jira qaar iska ladan oo laakiin danyar ah, oo hela sadexdii wakhti laba jeer , maalmaha qaarkoodna aan waxba dabka saran.

Dadka danyarta ahi wakhtiyada qaarkood waa ay xanuunsadaan, ma helaan runtii wax ay ku tagaan dhakhtarka, ma helaan wax ay ku gataan ama ku iibsadaan dawooyinka, ma helaan lacag ay iskaga bixiyaan hadii jidhkooda ama xanuunka hayaa uu qaliin u baahan yahay.

Waxa jira dad danyar ah oo jiifa guryahooda, aan haysan wax ay ku tagaan dhakhtarka ama cusbitaal dibadeed si ay isku daaweeyaan.

Waxaad moodaa xanuunka badankiisu inuu ku dhaco ama uu haleelo dadka danyarta ah, taasi waxay cadaynaysaa inay tahay imtaxaan alle, oo ilaahay uu ku imtaxaamayo umadiisa, eegayo siday iskugu naxariisanayaan, iskuna caawinayaan.

Gabo-Gabo

Mar haday danyarnimadu tahay baahi xanuun badan, nolol cidhiidhiya, wax la’aan, sawir muujinaya cidlo ciirsi la’, nolol murugo leh, fikir badan.

Masuuliyada ina saarani waxay tahay in qof kasta oo inaga mid ahi ka war hayo, ruuxa danyarka ah ee saaxiibkiisa ah, ku caawiyo wixii uu karo.

Waxa laga yaabaa saaxiibkaaga danyarka ah inaad ku casuunto xaflad ama tagtaan aroos, meher, bandhig ama goob kale oo araga u fiican, ka war hay saaxiibkaa wuxuu u baahan yahay.

Kaligaa noloshaada ha dhisin, ha qurxin saaxiibkaa ama asxaabtaada oo aan kula mid ahayn.

Ha ku dhex iman asxaabtaada ama saaxiibka wax aanay goyn karin, haday dhar noqoto, mobile, ama qalab kale oo qaali ah.

 

 

Isla Sin Asxaabtaada Ama Saaxiibkaa, Walaalkaa.. Noloshay Ku Nool Yihiin.

Ka war hay jaarkaaga, ehelkaaga noloshooda, casuumado iyo xaflado ha iska qabsan, iyadoo dadka kugu xiga, guriga kugu xiga oo reer danyar ahi ku jiraan, waxa laga yaabaa inaanay maalmo aanay wax quudan, waxa laga yaabaa inaanay haysan cid ka bixisa kirada guriga ay ku jiraan, meesha ay degan yihiin, fiiga iskuulka ciyaalku u dhigtaan.

 

Waxaan ku soo gaba gabaynayaa, maanta hadii dhalinyarta xooga dalka ah, ganacsatada, dadka kale ee wax haysta, haday noqoto dawlada iyo shirkadaha dalka ka jira, haayadaha… hadii ay ku midoobaan sanduuqa tabaalaynta ama gargaarka dadka danyarta ah, oo laga hirgaliyo dalka, oo cidkasta oo wax awoodo ay ugu ridaan 500s/sh iyo wixii ka badan, waxaa jiri lahayd sawir ka duwan kan ay ku nool yihiin dadka danyarta ah, waxa wax badan laga qaban lahaa baahiya dadka danyarta ah, waxa lagu caawin lahaa, laga caawin lahaa, xanuunada ay u jiifaan iyo quutkoodaba.

 

W/Q: Riix Si Aad Qoraaga Facebook Ugala Xidhiidhid

 Email:Tawfiiqfarhan@Gmail.Com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here