Hargeysa (Saxilnews):- Xoghayihii Hore ee Dawlada Hoose Ee Hargeysa Ibraahim Axmed Raabi islamarkaana iminka ah gudoomiyaha haayada NDRC ayaa waxaa uu si cad oo indho la,aan ah u beeniyey warqad masuq maasuq ah oo ay wada saxeexeen Maayar Solteco intii uu hayey xilka xoghayha Dawlada Hoose .
Warqadan oo ay saxaafadu heshay isla markaana ay ku yaalan saxeexa iyo shaanbada Masuulkan iyo shaanada iyo saxeexa Maayar Solteco ayaa Mr . Ibraahim Raabi oo qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakada Facebook si indho la,aan ah ku sheegay in ay warqadani tahay mid been abuur ah
Sidoo kale Muddane Ibraahim Raabi ayaa waxaa uu amaan kula dul kufay maayar Solteco isla markaan waxaa uu si dadban u caayey una aflagaadeeyey xildhibaan ka mid ah golahaasi oo uu ku sheegay in uu warqadan isku kab kabey
Fiiro Gaar Ah :- Shabakada Saxilnews.com Maalmaha Soo Socda Ka Filo Warqado Musuq Maasuq Ah Oo Ay Wada Saxeexen Masuulkan Iyo Maayar Solteco Taas Oo Ah Hantidii Qarankan