Dib Ugu Noqo Waayihii Darraad !

0
23

Dib Ugu Noqo Waayihii Darraad !

Waxa aan nahay dal iyo dad madaxbannaan. Waa ereyga u gu fudud ee ay adeegsadaan kolba, ciddii dalka doonaysaa iney taladiisa qabsato. Soomaaliland jirintaankeedu waa muqaddas, ayay mar walba ku tiraabaan. Dhulkeenna, nimcaa fadhida i yada hees macaan baa laga dhigatayba. Dalkan rag baa u soo dhintey oo u xabaal galay, i yada maalin qudha ayaa la maqlaa.

‘Ma taqaannaan maalinkaas ”.? Waa maalinka ay cod ka doonayaan shacbi-weynaha. Dalku wuxuu marayaa biriish dheer oo bubursan oo ay suurtogal tahay inuu ka shalwado. Waa marxalad kalaguur iyo iskuguur labadaba inoo horseedi karta. Waa marxaladdii doorashooyinka iyo dad barashada. Waa wakhtigii qof walba la ogaan jirey qoladiisa iyo qawlkay aaminsantay. Waa xilligii xanta , xaaranta , xumaanta , xiqdiga iyo xero isku oodka beeluhu bilaami jirey. Waa wakhtigii waayeel, wadaad iyo waranle caytama tiifiga laga arki jirey. Waa goortii garaabada, gaawadhida iyo gabdhuhu ay aadka u shaqayn jireen. Waa goortii bilaayo oo dhan ay dhici jirtey.

Waxaa gooranka ku dheelaaya niman siyaasiyiin la yidhaahdo. Mid waliba wuxuu wataa; beeshuu ka soo jeeday iyo kuwa ay xulafada la ahayd. Wuxuu, hadh iyo habeenba hurdada u gami laayahay, waa caynaanka siduu u qaban lahaa. Cid walba oo uu arko, wuxuu ku akhriyaa been buuraha ka waa weyn.!

Waa suurtogal inuu run u beddelo arrinkaasi hodhoow. Laakiin se u gamay barannin ciddan dhegaysanyasaa ee u warramayaa. Bulshadaa ama shacabku beentaas kama dharagto i yaduna goor walba. Keliyaata waa dhuunigay quudato wakhtiga doorsahada.

Waxa u gu weyn ee ay ka dheefaan kaddib waxaa ka mid ah;
‘’ Madax-weynuhu waa reerkayaga iyo waa jufadayada ‘’. Kii shalay u xamaasadaysnaa ayaa laga yaaba in xaqiisii iyo xuquuqdisii lagu tunto. Dawlada iyo madaxdeeda maxaa ka galay xaqa muwaadinka iyo ilaalintiisa, alleen i yadu cod kaliyaayay u baahnayd, kiina way ka heshay shacbigee”.

Waxa ay immika bilowdaaba; waa iibinta guryihii aanay iibin xukuumaddii ka horeysay. Waa mid ka mida shaqooyinkii ay u doorteen shacbigii qarwaayey. Shaqada u gu xigtaa, waa xaalufinta xoolaha umadda. Waa musuq baahsan oo gaadhi doona dacallada dalka oo dhan. Halkaas markay marayso xaaladu, ayaa shacbigii u riyaaqsanaa wakhtigii doorashada ay anfarriir faraha la qaniinaan doonaan. Gacmahoodii iyo addimadoodii ayay eersadaan oo hiifaan.

”Maxaa kugu watay wakaasi”. ? ”Maxaad ka heshay wakaasi”.?”Muxuu ku taray adiga iyo dalkaba wakaasi”.? ” Maxaad Een een ….maxaad wakaasi ayuun buu ku waasha qof waliba”!.

Doorashadii kale ayaa soo dhawaata, isna waa isku sii giijiyaa kursiga, alleen waa Afrikaan xil iyo lacag helaye. Mid qaldhabaya ayaa qudbadeeya islamarkiiba. Ma taqaannaan wuxuu leeyahay.? Wuxuu leeyahay ;” Waddanku isbeddel degdega ayuu u baahan yahay ‘’. Waa run oo waddan kastaa isbeddel ayuu u baahan yahay’e, se kani ma dhaama ayaa lays weyddiiyaa.? Muxuu golaha la shir iman ayaa lays weyddiiyaa.?

Aan doorann’e muxuu dhaamaa kii hore ee xilka ka degayay.? Muxuu ku andacoonayaa ee uu leeyahay waan beddelayaa. Bal ka warran kan hadda qaylinayaa hadduu kii hore kaaga daro? ”Miyaanay laf jab ahayn kale iyaduna”?.

 

– Haddaan guga kuu kordhaa
– Gaboow mooye ku tarin
– Garaad iyo waayo-arag
– Elleen wax ma dhaantid geed.

[ Garriye AHN ]

U gu danbayntii shacbiyoow intaanad codeyn, ayaad awood leedahay’e, mar haddii kursiga uu fadhiisto siyaasigu, kuma yaqaan, ee dooro kii dantaada aad is leedahay wuu wadayaa! .

Waxa Qoray :- Ahmed Karaama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here