Baqdaad(Saxilnews)Hogaamiiye ku xigeenkii ururka Daacish ee ka dagaalamaaya wadamada Suuriya, Libya,Masar iyo Ciraaq ayaa la dilay sida lagu sheegay warbixino la baahiyey .Ninkan oo lagu magcaabi jiray Ayad Al Jumaili ayaa ayaa ninka ku xiga amiirka ururkaa Abu Bakar Al Baqdaadi, waxaana lagu dilay weerar dhanka cirka ah, sida lagu baahiyey telefishan laga lee yahay Ciraaq.
Waxaanay ciidamada Sirdoonka Ciraaq sheegeen in ninkaas iyo sarkaal sare oo kale oo isla ururkaasi ka tirsanaa lagu dilay weerar ay diyaaraha ciidamada Ciraaq ku qaadeen Gobolka Al Qaym oo ah degaan u dhow xuduudka Suuriya iyo Ciraaq .
Ninkan oo ahaa sidoo kalena wasiirka difaaca ee dawlada Daacish isla markaana hayey xilka guddoomiye ku xigeenka ururkaasi Ayaan ilaa hadda la ogayn goorta la dilay iyo hawlgalka lagu dilay midna.
Ilaa hadda kooxda Daacish kama hadlin warkan, iayda oo la filaayey inay ka hadlaan , si loo kala ogaado xaqiiqda warkan.