Waxaana labadan xildhibaan ee shaaciyey inay baxeen xisbiga KULMIYE ay kala yihiin xildhibaan Cabdirisaaq Aar iyo xildhibaan Maxamed Tuur-tuur kuwaas oo shaaciyey inay gabi ahaanba ka baxeen xisbiga KULMIYE,waxaana ka bixitaankooda ay la xidhiidhiyeen in aan xisbiga KULMIYE waxba ka waydiin deegaanka ay kasoo jeedaan isla markaana aan laga soo talo galin marka laga hadlayo deegaanada ay kasoo jeedaan.
Labadan xildhibaan oo shir jaraa’id ku qabtay Hotel City Plaza ee magaalada Burco Ayaan shaacin halka ay ku biireen iyaga oo xusay inay dib kasoo sheegi doonaan halka ay ku biirayaan iyaga iyo taageerayaashooduba.
Gabagabadiina ka bixitaanka labadan xildhibaan ee xisbiga KULMIYE ayaa salka ku haysa kadib markii shalay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ay xilkii ka qaaday gudoomiyihii degmada Balli-dhiig Fu’aad Gacan oo ah deegaanka ay kasoo jeedaan labadan Xildhibaan laguna badalay masuul kale.