Safiirka Somalilnad U Fadhiya Jabuuti Oo Bulshada Uga Baaqay In Aan La Carqaladeyn Wada Hadalka Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo

0
24

Jabuuti (Saxilnews)- Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti mudane Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa bulshada ugu baaqay in aan la carqalaydan wada-hadalada u socda xukuumadda Somaliland iyo maamulka Khaatumo, kaasi oo uu sheegay in uu marayo halkii ugu fiicnayd isla markaana laga gaadhay guulo wax ku ool ah.

Cabdifataax Siciid, ayaa warbaahinta la hadlay kadib kulan ay isaga iyo wasiirul dawlaha wasaarada arrimaha dibada Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Mixile Boqore, la yeesheen ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti Cabdi Kaamil Maxamed, kaasi oo lagaga wada hadlay sidii loo xoojin-laha xidhiidhka u dhaxeeya labada dal.

Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Jabuuti isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan mahad u celinaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Soamliland iyo marwadiisa, sidoo kale waxaan mahad u celinayaa madaxweynaha Jabuuti iyo marwadiisa, taariikhdana way u gali doontaa dalka Jabuuti Somaliland-na runtii madaxweynuhu wuxuu ka tagi doonaa arrin taariikhiya oo lagu xusuusan doono mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa dhamaan raggii shirkaasi ka soo qayb galey.

Cabdifataax waxa kale oo uu intaasi ku daray “Shirkaas anagu ka safaarad ahaan qayb libaaxleh ayaanu ka qaadaney, waxaananu rajeyneynaa in arrinkaasi halkaasi laga sii-wado, waxaanan bulsho weynta reer Somaliland ugu baaqay inay ka waantoobaan waxyaabaha carqaladaha galin kara, waayo wada hadaladu waa kuwo si wanaagsan u socda, markaa wixii dib u dhaca ku keenaya dadku ha ka foojignaadan ayaan leeyahay, dad badan ayaa jira dhab ahaantii oo aan jecleyn oo aanu og-nahay dadkaasina waxaanu leenahay Illaahay haydin soo hanuuniyo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here