Muqdisho (GTV) Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yariisow ayaa ka Hadley wariye ka tirsana Idaacada Goob-joog oo lagu afduubey duleedka magaalada Muqdisho.
Wariye Hanad Cali Guuleed ayaa lix nin oo ku hubeysan baastoolado ay ka afduubeen deegaan 13-km u jira magaalada xili uu ku sii jeeday goobtiisa shaqada.
Wasiirka warfaafinta ayaa canbaareeyay af-duubka loo geystay wiilkan wariyaha ah, waxaanu wasiirku cod saday in shuruud la’aan lagu soo daayo, ilaa hadana lama oga sababta afduubkiisa ka danbeysay