Buuhoodle (Saxilnews) Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyooday tiro kalena waxaa ay u jiifaan cisbitaalka magaalada Buuhoodle.
Ka dib shuban biyood baaxadle oo ka dilaacay deegaankaasi, madaxa cisbitaalka gobolka Buuhoodle Dr. Cali Xukun Yuusuf Maxamed oo u waramay wakaalada wararka ee SOlNA, waxaanu xaqiijiyay in dhimashadu ay tahay shan ruux.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in shubankan oo maalinkii shaleyto ahaa dilaacay ay u soo ritay ku dhawaad ilaa 20-qof
Waxaanu Dr. Cali Xukun ugu baaqay in la xidho duduuda ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya, isaga oo xusay in xanuunkani uu yahay mid kaga yimid dhankaasi Itoobiya.
“Waxaan xukuumada ugu baaqaya in la xidho xuduuda u dhaxeysa Somaliland iyo Itoobiya ee dhanka magaala xuduudeeda Buuhoodle, xanuunkan shuban biyoodka waxaa keenay dadka ka soo talaabay xuduuda ee ka yimid dhanka Itoobiya”
Dhanka kale waxaa uu xukumada u soo jeediyay in lala gaadho gurmad deg-dega oo aan kala go’laheyn